Iiraan, waxay hirgelisay saldhigyo cusub oo ku yaalla dhulka hoostiisa oo laga soo rido gantaallada inta ay socotay xabbad-joojinta, waxaa kaloo ay dib u furaysa gododka albaabada laga galo ay horey u duqeeyeen Mareykanka iyo Israa’iil, taasoo ka dhigan haddii dib u qarxo dagaalka inay Iiraan u dhaqmi doonto si la mid ah maalintii koowaad ee dagaalka oo aan la fileyn wax hoos u dhac awoodeed ah oo ay wajihi karto,sida ay werisey CNN.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay Fox News in dagaalku “ku dhow yahay inuu dhammaado”, kadib markii uu tilmaamay in wareeg labaad oo wadahadallo fool ka fool ah lala yeelanayo Iran ay ka dhici karaan Pakistan maalmaha soo socda.

