HNN: Iran ayaa u dirtay soo jeedinteedii ugu dambeysay ee saldhig u noqon karta wadahadallada ay la leedahay Maraykanka, dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan. Sidaas waxaa sheegay wakaaladda wararka dowladda Iran ee Irna.
Soo-jeedinta waxaa la diray Khamiistii, sida ay Irna sheegtay.
“Iran waxay Khamiistii fiidkii u gudbisay Pakistan qoraalka soo-jeedinteedii ugu dambeysay ee wadaxaajoodka, iyadoo Pakistan ay tahay dhexdhexaadiyaha wadahadallada Maraykanka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Irna.
Soo jeedidantan ayaa ka danbaysay, kadib Maraykanku markii uu diiday, soo jeedintii hore ee Iiraan, taas oo hadda la filayo in tanaasulaad ku jiri doono soo jeegintan cusub, si ay iskugu soo dhawaadaan labbada dhinac.
Ma jirin wax wadahadallo toos ah oo dhexmaray Maraykanka iyo Iran tan iyo markii xabbad-joojintu bilaabatay in ka badan laba toddobaad ka hor. Booqasho la qorsheeyay oo wafdi Maraykan ah ku tegi lahaa Islamabad toddobaadkii hore ayaa la baajiyay.
Ciidamada Maraykanka ayaa ku soo rogay cunaqabatayn dekedaha Iran ah, taas oo qayb ka ah dagaalka ay kula jiraan Iran, isla markaana jawaab u ah in Iran ay si dhab ah u xirtay marin-biyoodka Hormuz.
Arbacadii, wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu qorsheynayo cunaqabatayn muddo dheer socon karta xitaa dhowr bilood oo lagu soo rogo dekedaha Iran.
Heemaal News Network.
