Itoobiya ayaa dareensan Mareykanka inuu la shaqeynayo dhinacyada ka soo horjeeda ee ay ku loollamayaan geeska Afrika, iyadoo wargeyska The Africa Report oo fadhigiisu yahay Faransiiska oo u janjeera dhinaca Itoobiya uu labo maalin ka hor baahiyay in la-taliyaha Madaxweynaha Maraykanka ee Afrika iyo Bariga Dhexe, Massad Boulos uu wada-hadallo la yeeshay dalalka loo arko inay sameysanayaan isbahaysi ay hoggaaminayso Masar oo ka soo horjeeda Itoobiya.
Warbixintu waxay sheegtay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu halis ugu jiro inuu isku dhex arko laba isbahaysi oo iska soo horjeeda:
Dhinac waxaa ku midoobay Masar, Soomaaliya iyo Eritrea.
Dhinaca kalena waxaa lagu sheegay Itoobiya, Somaliland iyo Israa’iil.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaaladdan ay adkeyn karto dadaallada diblomaasiyadeed ee Maraykanka ee gobolka.
Warbixintan, waxaa maanta ka jawaabay la-taliyaha Madaxweynaha Maraykanka ee Afrika iyo Bariga Dhexe, Massad Boulos oo farriin uu barta X ku baahiyay ku sheegay in warar dhowaan la faafiyay oo been abuur ah ama marin-habaabin ah ay si khaldan u fasireen dadaaladiisa diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika, oo lagu sheegay isku day lagu dhisayo isbahaysi ka dhan ah Itoobiya.
Boulos, wuxuu tilmaamay in sheegashadaasi ay tahay mid aan sax ahayn isla markaana sii hurin karta xiisadaha gobolka.Waxaa kaloo uu sheegay in Maraykanku uu la shaqeeyo Itoobiya iyo dhammaan dalalka Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas si loo horumariyo danaha ay wadaagaan.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in la shaqaynta hal dal oo gobolka ka tirsan aan loo fasiri karin colaad loo qabo dal kale, isagoo intaa ku daray in diblomaasiyadda Mareykanka aysan ku salaysnayn dhisidda isbahaysiyo iska soo horjeeda ama sii kala fogeynta dalalka gobolka, balse ay tahay in si wadajir ah loola shaqeeyo dhammaan saaxiibbada gobolka si looga hortago colaadaha loona xoojiyo nabadda iyo amniga waara.
