Wednesday, September 2, 2026

Madaxweynaha Kenya Oo Maanta Amray in la Xiro Ganacsiyada Yar-yar ee Ajaaniibtu ku Leeyihiin Gudaha Kenya,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa maanta amar ku bixiyay in la xiro ganacsiyada yaryar ee ay ajaaniibtu ku leeyihiin gudaha Kenya, iyadoo tallaabadan la bilaabayo 7-da bishan September 2026.

Ruto ayaa sheegay in dadka aan Kenyanka ahayn aan loo oggolaan doonin inay gudaha Kenya ka sameystaan ganacsiyada yaryar, oo ay ku jiraan kuwa waddooyinka wax ku iibiya.

Sida uu qoray wargeyska maxalliga ah ee The Star, dawladda Kenya waxay sidoo kale diyaarinaysaa hindise sharciyeed lagu xaddidayo qaar ka mid ah noocyada ganacsiga, si loogu gaar yeelo muwaadiniinta Kenya.

Tallaabadan ayaa dawladda Kenya ku sheegtay mid lagu ilaalinayo ganacsatada maxalliga ah iyo fursadaha ganacsi ee dadka Kenyanka ah, iyadoo ay xukuumaddu isla markaana sheegtay inay sii wadi doonto soo dhaweynta maalgashiga shisheeye ee keena raasumaal, tiknoolajiyad iyo shaqooyin.

Arrintan ayaa si gaar ah u saameyn karta ganacsatada Soomaalida ee Kenya, kuwooda aan muwaadiniinta ka ahayn Kenya, kuwaas oo si weyn uga dhex muuqda ganacsiyada yaryar, gaar ahaan Islii, oo ah xarun ganacsi oo ay Soomaalidu si weyn ugu badan yihiin magaalada Nairobi.