Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Iran Oo sheegtay in in ka Badan 26 Milyan oo Qof ay Isku diiwaangeliyeen Adeegga Milatari.

by Heemaaln April 16, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in in ka badan 26 milyan oo qof ay isdiiwaangeliyeen si ay ugu biiraan adeegga milatari.

Ololahan oo lagu magacaabo Naftaada u hur dalkaga ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo diyaar-garowga difaaca dalka, iyadoo la filayo in mutadawiciinta lagu daro ciidamada kacaanka islaamiga ee Iran iyo kuwa caadiga ah.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay qorshayaal ay ku jiraan sameynta silsilado bini’aadmi ah si loo ilaaliyo goobaha muhiimka ah.

Tallaabadan ayaa muujineysa heerka sare ee abaabulka gudaha, xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan.

April 16, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Pakistan oo Tijaabisay Gantaal Lidka Maraakiibta ah.

by Heemaaln April 16, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa sheegay inay si guul leh u tijaabiyeen gantaal lidka maraakiibta ah oo laga rido diyaaradaha, kaas oo gudaha dalka lagu soo saaray.

Sida ay sheegtay hay’adda xiriirka dadweynaha ee ciidamada Pakistan, gantaalkan gudaha lagu sameeyay ayaa si sax ah oo fog u beegsaday bartilmaameedkii loo qorsheeyay, isagoo ku dhacay xawaare iyo saxnaan sare.

ISPR waxay sheegtay in Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Naveed Ashraf uu goob-joog ka ahaa tijaabada gantaalka, sidoo kalena ay halkaas joogeen koox saynisyahanno iyo injineerro ah intii lagu guda jiray tijaabada.

Sida laga soo xigtay ISPR, gantaalkan waxaa ku rakiban nidaam hagitaan oo casri ah iyo tiknoolajiyad waxqabad sare leh. “Gantaalku wuxuu si wax ku ool ah u beegsadaa bartilmaameedyada xaalado kala duwan, wuxuuna ka fogaadaa khataraha.”

ISPR waxay sheegtay in gantaalkan gudaha lagu soo saaray uu yahay “caddeyn muuqata oo muujinaysa awoodda farsamo ee Pakistan… Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaanka milatariga ayaa ammaanay kooxda tijaabada sameysay.”

ISPR waxay sidoo kale sheegtay in Ciidanka Badda Pakistan ay ka go’an tahay xoojinta difaaca badda si uu u noqdo mid adag oo wax ku ool ah.

April 16, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Wararkii Ugu Denbeeyay Ee Xaalada Bariga Dhexe Gaar ahaan Iran iyo Maraykanka

by Heemaaln April 16, 2026
written by Heemaaln 4 minutes read

Wasiirka dagaalka ee Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in xannibaadda uu Maraykanku saaray Iran ay tahay “habka deggan ee arrintan loo maareyn karo,” isagoo xusay in warshadaha tamarta ee Iran aan weli la burburin.

Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay jeceshahay inay sheegato inay maamusho Strait of Hormuz, balse uu sheegay inaysan lahayn ciidan badeed oo awood leh. “Ma xukumi kartaan waxba,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Iiraan ay ku hanjabeyso inay gantaallo iyo diyaarado drone ah ku weerari doonto maraakiibta ganacsiga, balse taas uusan ahayn xakameyn dhab ah. “Taasi waa burcad-badeednimo, waa argagixiso,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Badda Maraykanka ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee soo galaya kana baxaya marinka Hormuz, islamarkaana ay ku maamulayaan wax ka yar 10% awoodda guud ee ciidanka badda Maraykanka.

Afhayeenka baarlamaanka Iran ‘Xabbad-joojin ka dhacda Lubnaan waxay muhiim u tahay xabbad-joojinta Iran.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Iiraan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed-Bagher Ghalibaf, ayaa telefoon kula hadlay dhiggiisa Lubnaan, Nabih Berri, isagoo sheegay in “xabbad-joojin ka dhacda Lubnaan ay muhiim u tahay” Tehran sida “xabbad-joojin ka dhacda Iiraan.”

Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegay in “intii lagu jiray wadaxaajoodyadii Islamabad [ee lala yeeshay Maraykanka] iyo wixii ka dambeeyay,” Iiraan ay “si dhab ah u waday dadaallo lagu qasbayo cadawga” si ay ugu heshiiyaan “xabbad-joojin joogto ah.”

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu maanta la kulmay Taliyaha Ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir.

Wafdi ka socda Pakistan ayaa la sheegay inuu u safray Tehran si loo sii wado wadahadallada ku saabsan xabbad-joojinta u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka.

Ghalibaf ayaa noqday mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee nidaamka Iiraan tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, wuxuuna hoggaaminayay wafdiga Iiraan ee wadaxaajoodyadii dhowaan ka dhacay Islamabad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay in is-dhaafsiga fariimaha u dhexeeya Tehran iyo Washington uu “sii socdo” iyadoo loo marayo dhexdhexaadinta Pakistan kadib markii wadaxaajoodyadii Axaddii fashilmeen, balse ma uusan xaqiijin wararka sheegaya suurtagalnimada in la kordhiyo xabbad-joojinta hadda jirta ee u dhexeysa Maraykanka.

Turkiga: Waanu sii wadi doonaa taageerada wadahadalada nabada ee Iran

Turkiga ayaa Maanta sheegay inuu sii wadi doono taageerada wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, isagoo ku boorriyay dhinacyada inay noqdaan “kuwa wax dhisa” inta lagu jiro wadaxaajoodyada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

Turkiga, oo xubin ka ah NATO isla markaana deris la ah Iiraan, ayaa xiriir dhow la lahaa Maraykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyaha Pakistan, wuxuuna marar badan ku baaqay in la joojiyo dagaalka.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ku sheegtay warbixinteedii toddobaadlaha ah: “Waxaan sii wadi doonnaa inaan bixino taageerada lagama maarmaanka ah si xabbad-joojinta hadda jirta ay u horseeddo xabbad-joojin rasmi ah, ugu dambayntiina nabad waarta.”

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay: “Waxaan rajeyneynaa in dhinacyadu ay qaataan hab wax dhis ah wadaxaajoodyada socda.”

Ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa sidoo kale sheegay in wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Pakistan, Sacuudi Carabiya, iyo Masar ay qorsheynayaan inay kulmaan inta lagu jiro shir diblomaasiyadeed oo ka dhacaya Antalya, Turkiga, dhammaadka toddobaadka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo shalay iyo maanta u safray Sacuudi Carabiya iyo Qatar, la filayo inuu ka qayb galo kulankaas.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay burburisay 70 goobood oo ururka Xisbullah ay ku lahaayeen koonfurta Lubnaan

Ciidamada milatariga Israel ayaa sheegay inay burburiyeen ku dhawaad 70 goobood oo ay lahaayeen Hezbollah oo ku yaalla Bint Jbeil, koonfurta Lubnaan, shalay.

Qoraal lagu daabacay Telegram ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaaraha dalkaas, Benjamin Netanyahu, uu sheegay shalay in Israel ay qarka u saaran tahay inay meesha ka saarto “xarun weyn oo Hezbollah ah” oo ku taalla aaggaas.

Saaka hore, Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sheegay inay qabteen weerar drone ah oo laga soo tuuray Lubnaan habeenkii.

Waxay intaas ku dareen in drone-ka ay soo rideen ciidamada badda Israel, kuwaas oo ay sheegeen inay ka qayb qaateen ku dhawaad 40 hawlgal oo difaac ah si ay u ilaaliyaan hawada dalka tan iyo markii uu bilowday khilaafka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Jasem Mohamed Albudaiwi, ayaa sheegay in marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz aan loo adeegsan karin cadaadis siyaasadeed ama dhaqaale.

Albudaiwi, oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Yurub, ayaa ku adkeeyay in isku day kasta oo lagu beddelayo xaaladda marinkan muhiimka ah iyadoo xoog la adeegsanayo uu yahay mid aan la aqbali karin.

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadaha gobolka ay sare u sii kacayaan, iyadoo marinka Hormuz uu weli yahay halbowlaha ganacsiga shidaalka ee caalamka.

 

April 16, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Nin wata Magaca Somali Oo dal dhan ka Caraysiiyay Oo Hadda xabsi la dhigay

by Heemaaln April 16, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Johnny Somali oo u dhashay dalka Maraykanka oo caro ka abuuray dalka Koonfurta Kuuriya kadib markii uu dhunkaday taallo ka tarjumaysa adoonsiga Galmada ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah.

Maamulka Seoul ayaa ku soo oogay dacwad dadweyne bishii november ee 2024-kii ka dib markii uu daabacay muuqaal isaga oo dhunkanaya oo ku dheelaya qoob ka ciyaar taalada xilli uu booqasho ku joogay Kuuriyada Koonfureed. Waxaa laga mamnuucay inuu dalka ka dhoofo tan iyo markaas.

25-jirkaan magaciisa saxda ah yahay Ismael Ramsey Khalid, ayaa caan ku ah waxyaabaha kiciya bulshooyinka taas oo sababtay in laga mamnuuco dhowr goobood oo kamid ah baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu dadka dhibaateeyay xilli uu u safrayay dalalka Japan iyo Israel.

Arbacadii maxkamad ku taal Kuuriyada Koonfureed ayaa Khalid ku xukuntay eedaymo badan, oo ay ku jiraan inuu ahaa qof dhib ku ah dadweynaha iyo inuu faafiyay been abuur.

“Eedaysanuhu wuxuu si isdaba joog ah u galay dambiyo ka dhan ah xubnaha aan la cayimin ee dadweynaha si uu faa’iido uga helo YouTube wuxuuna u faafiyay xogaha isagoo aan tixgalinayn sharciga Kuuriya,” ayay tiri maxkamaddu, sida ay sheegtay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.

Dacwad oogayaasha ayaa doonayey in lagu xukumo saddex sano oo xarig ah, laakiin garsoorayaasha ayaa ku riday xukun hoose iyaga oo tilmaamaya “in aysan meesha oolin dhibaato daran oo gaartay dhibanayaasha”, The Korea Herald ayaa werisay.

Khaalid ayaa sidoo kale laga hor istaagay in uu la shaqeeyo hay’adaha u adeega dadka aan qaan-gaarin iyo dadka naafada ah marka ugu dambeyn la sii daayo.

Khaalid, oo 5,000 oo taageere ku leh YouTube-ka, ayaa raaligelin bixiyay november 2024 isagoo sheegay “in uusan fahmin muhiimada taalada”. Laakiin dad badan ayaa shaki ka muujiyay daacadnimadiisa.

April 16, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

“Amnigiinaa sugaa Ninka Dhahaayo 15 May Marka la Gaaro Amni Ayaad Sugi Maatadii Baad baabi’inaysaye

by Heemaaln April 16, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 16, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Dadka Maamula Somaliland Waa kuwo Neceb Dadka Somaliyeed.”Maamulka Waqooyi Bari

by Heemaaln April 16, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 16, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Somaliland oo kasoo Horjeedsatay Diidmada Dowlada Somaliya ee Safiirka ay Israa’iil usoo Magacowday

by Heemaaln April 16, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay war-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland la leedahay Israa’iil, isla markaana ay kaga soo horjeedsatay safiirka cusub ee Israa’iil u magacowday Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in ay si buuxda u diidan tahay eedeymaha ay Soomaaliya soo jeedisay, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo aan sal sharci lahayn, taariikh ahaan khaldan, isla markaana aan ku dhisnayn xaqiiqooyin dhab ah.

Somaliland waxay ku adkaysatay in ay tahay dal madax-bannaan oo helay xornimadiisa 26-kii June 1960, isla markaana ay aqoonsadeen dalal badan xilligaas. Waxay sidoo kale sheegtay in madax-bannaanideedu aanay ka iman ama ku xidhnayn Muqdisho.

Somaliland ayaa intaas ku dartay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aanay sharci ahaan u lahayn inay farageliso ama ka hadasho xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay dalalka kale, islamarkaana arrimahaas ay ka mid yihiin xuquuqaha dowladnimo ee u gaarka ah Somaliland.

Sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in doodda ku saabsan “midnimada dhuleed” ee Soomaaliya ay tahay mid marin-habaabin ah, iyadoo xustay in midowgii 1960 aanu lahayn sal sharci oo adag, isla markaana Somaliland ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991, tan iyo markaasna ay si buuxda uga talinaysay xuduudaheeda.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu muujiyay in Somaliland ay dhistay hay’ado dimuqraadi ah, qabatay doorashooyin la isku halayn karo, ilaalisay nabadgelyada gudaha, isla markaana ay door muuqda ka qaadatay la dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda, iyo sugidda marin-biyoodyada muhiimka ah.

Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay in Soomaaliya weli si weyn ugu tiirsan tahay taageero amni oo dibadeed, taas oo su’aal gelinaysa xasilloonideeda mustaqbalka, halka Somaliland ay isu muujisay lammaane isku filan oo caalami ah.

Gabagabadii, Somaliland waxay sheegtay inay ka go’an tahay wada noolaanshaha nabadda, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah, balse ay madax-bannaanideedu tahay mid aan gorgortan geli karin, isla markaana ay si madax-bannaan u go’aansato xidhiidhadeeda diblomaasiyadeed.

War-saxaafadeedkan ayaa imanaya kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shalay cambaareysay danjire buuxa oo ay Israa’iil u magacowday Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanideeda iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

April 16, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Somaliland oo ka Hadashay Safiirka ay Israel u soo Magacowday

by Heemaaln April 16, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Barkhad Batuun ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay safiir ay Israel u soo magacawday inuu u fadhiisto Somaliland. Tallaabadan ayaa ah mid si weyn u soo jiidatay indhaha siyaasadda gobolka, maadaama ay la xiriirto arrin diblomaasiyadeed oo xasaasi ah.

Safiirka cusub, Michael Lotem, ayaa la sheegay inuu yahay diblomaasi khibrad leh, waxaana soo dhaweyntiisa lagu tilmaamay mid ka tarjumaysa xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dal kasta oo dan u arka iskaashi iyo horumar, isagoo xusay in xiriirrada caalamiga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo aqoonsiga.

Soo dhaweyntan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan dadaallada Somaliland ee ku aaddan raadinta aqoonsi caalami ah. Xiriir la yeelashada Israel ayaa loo arkaa mid istiraatiiji ah, maadaama Israa’iil ay tahay dal leh saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo caalami ah.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa arrintaan si adag uga hortmid, iyadoo cambaareysay waxaana ay sheegtay in ay tallaabadaan tahay mid wax u dhimaysa madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya., maadaama dowladda federaalka ay u aragto Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil uu diiradda saaro dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, iyo maalgashiga. Arrintan ayaa Somaliland siin karta fursado cusub, balse sidoo kale waxay keeni kartaa caqabado siyaasadeed oo la xiriira aqoonsiga iyo xiriirrada gobolka.

April 16, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Dowlada Federaalka Oo si Adag Uga Hortimid Danjiraha Israa|l u Magacowday Somaliland:

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa si adag uga hortimid Danjiraha Israa|l u magacowday Somaliland:

“Dowladda Federaalku waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo lagu bixinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda; Somaliland waxay weli tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Cid kasta oo doonaysa in ay u muujiso inay tahay gaar waa mid aan sal sharci lahayn, kana hor imanaysa axdiga caalamiga.” — MOFA.

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Qaabilay Wafdi ka Socday Israel Iyo Maraykanka

by Heemaaln April 15, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aaden ayaa saaka qaabilay Wafdi ka Socday Israel Iyo Maraykanka, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Michael Freund—oo ah aasaasaha iyo hoggaamiyaha ururka ‘ Shavie israel, sidoo kalena soo noqday Ku-xigeenka xidhiidhka dadweynahay ee xafiiska Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Joel Martin Rubin oo ah madaxweynaha ‘

Washington Strategy Group ‘ sidoo kalena soo noqday Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee golaha senatka dalka Maraykanka xilligii xukuumaddii Obama.

Kulanka waxa lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Maraykanka Iyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo xidhiidhka dawladda Israa’iil, yadoo siyaasiyiintan iyo ururaday hoggaamiyaanna ay qaybtooda ka qaadanayaan si xidhiidhkaasi u noqdo mid midha dhala oo iskaashi qoto-dheer ku dhisan.

April 15, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 38
  • 39
  • 40
  • 41
  • 42
  • …
  • 91
  • Arteta oo quus taagan, hanjabaadla’aana maanta kaga baxay waraysigiisii

  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Pentagon oo heshiisyo la gashay toddobo shirkadood oo AI ah, Anthropic waa laga reebay
May 1, 2026
Dacwad Lagu soo Oogay Ninkii Soomaali ahaa Ee Mindi ku Weeraray Dad Yuhuud ah
May 1, 2026
Madaxwayne Erdogan Oo ka Falceliyay Dareenka Wiil Somali ah Oo ka Hadlay Shidaal Qodista
May 1, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home