Marxuum Cabdi Maxamuud Gaagaale, wuxuu ahaa da’da 90 jirka, wuxuu 27 Sanno ahaa Xildhibaan Golaha Wakiillada ka tirsan iyo Wasiirkii hawlaha Guud ee Xukuumaddii Cigaal ee 1993-kii.
Alle ha u naxariistee waxa uu shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maantana lagu aasi doonaa borama Xildhibaan iyo Wasiir hore Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale), oo Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland ka tirsan 1994-kii ilaa 2021-kii, sidoo kalena soo noqday Wasiirkii Hawlaha Guud ee Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal.
Taariikh Nololeedka Marxuum Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale)
Marxuum Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale) waxa uu ku dhashay magaalada Saylac sannadkii 1936-kii.
Waxbarashadiisii hoose waxa uu ku bilaabay magaalada Boorama dabayaaqadii afartamaadkii qarnigii tegay, halka waxbarashadiisii sare uu ku qaatay magaalada Hargeysa. Waxa kale oo uu ka baxay Dugsigii Farsamada Gacanta ee loo yiqiin “Trades School”, isaga oo ka mid ahaa dufcaddii ugu horraysay ee ka qalin-jabisa dugsigaas.
Sannadkii 1957-kii ayuu waxbarasho dibadeed ugu baxay dalka Ingiriiska (UK), halkaas oo uu muddo shan sano ah ku bartay cilmiga Engineering-ka, gaar ahaan Civil Engineering, Jaamacadda caanka ah ee Brixton School of Building ee magaalada London. Waxa uu waxbarashadiisa soo dhamaystay sannadkii 1962-kii.
Isla sannadkaas ayuu dalka dib ugu soo laabtay, isaga oo shaqadiisii ugu horraysay ka bilaabay Wasaaradda Hawlaha Guud (PWD). Waxa uu madax ka noqday xafiisyadii Hargeysa, Burco, Berbera iyo Kismaayo intii lagu jiray lixdamaadkii.
Marxuumku waxa uu si gaar ah u maamulay dhismaha Dekedda Berbera iyo Warshaddii Hilibka ee Kismaayo.
Badhtamihii toddobaatamaadkii, waxa uu madax ka noqday mashruucii Danwadaagaha ee dib-u-dejinta loogu sameeyey dadkii ay saamaysay Abaartii Dabadheer, kuwaas oo la dejiyey deegaannada Sablaale, Tujuuma, Baraawe iyo Kurtun-waarey.
Intaas ka dib, marxuumku waxa uu waxbarasho iyo tababaro kale ugu baxay dalalka Maraykanka iyo Holland. Waxa kale oo uu muddo la soo shaqeeyey hay’adda Qaramada Midoobay ee UN-Habitat.
Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, waxa uu dib ugu soo laabtay Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa ergadii reer Awdal ee ka qayb-gashay Shirkii Burco ee lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland 18-kii May 1991-kii.
Kadib dagaalladii sokeeye ee ka qarxay gobollada Woqooyi Galbeed, Togdheer iyo Sanaag sannadihii 1991–1992, marxuumku waxa uu ka mid ahaa hormuudkii abaabulay gurmadkii nabadeed ee beelaha reer Awdal ugu gurmadeen walaalahoodii Somaliland.
Waxa uu kulammo badan ku qabtay hoygiisa magaalada Boorama si uu waxgaradka reer Awdal ugu qanciyo muhiimadda gurmadka nabadeed. Ugu dambayn, waxa uu ku guulaystay in la mideeyo dadaalladii lagu daminayey colaadaha ka aloosnaa gobolladaas.
Waxa kale oo uu ahaa xubintii isu soo dubbaridday ergadii nabadeed ee reer Awdal ka koobnayd 21-ka oday.
Marxuumku waxa uu door firfircoon ka qaatay shirarkii nabadaynta Somaliland ee Berbera, Sheekh iyo shirweynihii Boorama ee lagu dhisay dowladnimada Somaliland. Waxa uu ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaashii shirkaas, isaga oo sidoo kale xubin ka noqday guddi uu hoggaaminayey Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, kuwaas oo loo diray Addis Ababa xilligii uu socday shirkii hoggaamiyeyaasha kooxaha Soomaaliyeed.
Sannadkii 1993-kii, marxuumku waxa uu kamid noqday golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee uu soo dhisay Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, isaga oo noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka muddadii u dhaxaysay May 1993 ilaa August 1994.
August 1994-kii ayuu ku biiray Golaha Wakiillada Somaliland, isaga oo xilka kala wareegay Xildhibaan Cismaan Ibraahim Baxar (Cismaan Laangadhe). Mar labaad ayaa loo doortay Golaha Wakiillada shirweynihii Hargeysa ee 1996–1997, halka mar saddexaadna loo doortay Golaha Wakiillada muddadii 2005–2021, isaga oo noqday xildhibaankii ugu codka badnaa guud ahaan Somaliland.
Marxuumku waxa uu geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 14/05/2026.
Waxa uu ifka kaga tegay laba xaas, siddeed carruur ah (4 wiil iyo 4 gabdhood) iyo ubadkii ay sii dhaleen.
Waxaan Alle uga baryaynaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxa qoray Abdoulwahab Mohamed (Abdiwahab Maax
