Wararkii u Dambeeyay ee dagaalka ka socda Mali
Sideese u dhacay dilka Wasiirkii difaaca?
Dagaalkii shalay bilowday ayaa maalintii labaad ka socda dalka Mali ee galbeedka Afrika, iyadoo militariga afgambiga dalkaa kula wareegay sannadkii 2021 ay wajahayaan cadaadiskii u sarreeyay, ka dib markii ay lumiyeen dhul badan oo ka tirsan Mali oo ku dhacay gacanta kooxaha weerarrada wada.
Mid ka mid ah dhacdooyinka argagaxa ku riday nidaamka militariga ee xukunka hayay, waa in la dilay wasiirkii difaaca Mali, Sadio Camara, sida ay baaisay Al Jazeera.
Weerarka lagu dilay wasiirka difaaca Mali, waxaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo dad isku soo xiray qaraxyo , oo lagu weerarray gurigiisa oo ku yaalla magaalada saldhigga u ah militariga xukuma Mali ee Kati , waana magaalo si aad ah loo ilaaliyo oo qiyaastii 15 km u jirta caasimadda dalka Mali ee Bamako, halkaas oo uu sidoo kale uu deggan yahay madaxweynaha Mali,Assimi Goïta oo la sheegay inuu noolyahay oo loo qaaday meel ammaan ah, isla markaana uu weli hayo taliska ciidamada.
Balse, dilka wasiirka difaaca Mali, Sadio Camara ayaa lagu sheegay inay dharbaxo weyn ku tahay nidaamka militariga, waxaa loo arkayay qofka mustaqbalka hoggaamin kara dalka Mali, sabab la xiriirta saameyntiisa iyo doorkii uu ku lahaa afgambiyadii ka dhacay Mali , intii u dhaxeysay 2020 iyo 2021.
Militariga Mali, hadda waxay lumiyeen dhul badan oo waqooyiga dalkaa uu ka mid yahay , halkaa oo ay hadda gacanta ku hayaan dagaalyahannada qowmiyada Tuwaarik (Tuareg), waxaana bartamaha iyo caasimadda Mali ee Bamako ka dagaallamaya kooxda JNIM oo ah urur xiriir la leh Al Qaacida oo hadda awood la soo baxay.
Kooxdan ayaa weerarro isku mar ahna shalay ku qaaday magaalooyinka iyo xarumaha istaraatijiga ah ee Mali oo inta badan gacantooda ku dhacday, waxaana hoos u dhacday iska caabinta militariga, halka JNIM iyo dagaalyahannada qowmiyada Tuwaarik ay dhaqangeliyeen heshiis ay sannadkii hore gaareen oo ay ku mideynayaan awoodooda , waqtigaa oo ay joojiyeen dagaalladii dhexdooda ahaa , xilliganaa si wadajir ah ula dagaallamaya militariga.
Ugu dambeyntii, waxaa sare maray suragalnimada ay Mali ku noqon karto dalkii u horreeyay oo ay la wareegi karaan urur xiriir la leh Al Qaacida, lamana arag taageerro ay militariga Mali ka heleen dalalkii ku dhawaa ee Burkina Faso iyo Niger oo militari ay wada maamullaan , isla markaana si isku mid ah isaga saaray dalalka reer galbeedka, markaa oo ay soo dhaweysteen Ruushka oo ciidan geeyay dalalkan iyo Shiinaha oo saameyntiisa dhaqaale sare u qaaday, haddase dalalkan midkoodna gacan ma siin Mali oo ku dhow gacanta militariga inay ka baxdo, taa oo xataa fadeexo ku noqonaysa Ruushka iyo Shiinaha, inaysan difaaci karin xafadooda iska fogeeya reer galbeedka.
