Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda Muhoozi Kainerugaba ayaa ku faanay in uu albaabada u laabay labada warbaahinood ee kala ah Nation TV iyo Daily Monitor, isaga oo sheegay in aan la furi doonin iyada oo aanu isaga ogolaan ama aan isaga laga soo amar qaadan.
Ciidamo hubeysan ayaa la wareegay xarumaha warbaahinta, iyagoo hakiyay baahinta telefishinnada iyo daabacaadda wargeysyada. Gen. Muhoozi ayaa qoraal uu ku baahiyay X ku sheegay in warbaahintaasi aysan dib u shaqeyn doonin ilaa uu isaga oggolaansho ka bixiyo, arrintaas oo dhalisay walaac cusub oo ku saabsan xorriyadda saxaafadda iyo cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo warbaahinta madaxa-bannaan ee Uganda
Ninkan oo aabbihii uu u magacaabay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee dalka Uganda ayaa sheegay in aanu aamisanyan saxaaafad madax bannaan isaga oo ku goodiyey in uu tallaabo ka qaadi doono warbaahin kasta oo fulin wayda arrimaha dawladdu ay doonayso.

