Duulimaadkii diyaaradda Star Airline ee ka ambabaxaysay Muqdisho kuna wajahnaa Laascaanood ayaa baaqday, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ilaaladii Madaxweyne Firdhiye ay diyaaradda la galeen hub culus.
Wararka ayaa tilmaamaya in duuliyihii diyaaradda uu diiday inuu duulimaadka bilaabo, taas oo dhalisay muran u dhexeeya shaqaalaha diyaaradda iyo ilaaladii Madaxweynaha. Maamulka shirkadda iyo duuliyuhu waxay dalbadeen in Firdhiye iyo ilaaladiisu diyaaradda ka degaan.
Xiisaddan ayaa sababtay in gebi ahaanba baaqdaan safarkii Madaxweynaha iyo duulimaadkii rakaabkii kale ee Muqdisho uga ambabaxayay Laascaanood.
