Xuutiga Oo Maanta Sacuudiga kala Dooransiiyay Dagaal-weyn Ama Nabad in la Qaato

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Xuutiga ayaa maanta Sacuudiga kala dooransiiyay dagaal weyn ama in la joojiyo weerarrada uu Sacuudiga ka fulinayo goobaha ay Xuutiga maamulaan ee gudaha Yemen.

Afhayeenka militariga Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa galinkii dambe ee maanta shaaciyay inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerarreen labo bartilmaameed oo istiraatiji ah oo ku yaal gudaha Sacuudiga.

Mid ka mid ah goobaha la sheegay in la beegsaday waa Jazan, oo ku taalla koonfur-galbeed Sacuudiga. Magaaladani waxay aad ugu dhowdahay xadka Yemen, waxayna leedahay deked muhiim ah, saldhigyo ciidan iyo xarumo ganacsi, taasoo ka dhigaysa meel istiraatiiji ah.

Weerarka labaad ayaa lagu sheegay inuu ka dhacay Yanbu, oo ku taalla galbeedka Sacuudiga ee xeebta Badda Cas. Yanbu waa mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee sifeynta iyo dhoofinta shidaalka Sacuudiga, waxaana ku yaalla dekedo iyo warshado batrool oo muhiim u ah dhaqaalaha Sacuudiga.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarradani ay jawaab u yihiin duqeymihii Sacuudigu ka fuliyay dekedda Xudayda iyo goobaha kale ee ay maamulaan gudaha Yemen. Waxa kale oo ay imanayaan xilli Xuutiyiintu hore ugu dhawaaqeen go’doomin badeed oo ka dhan ah maraakiibta shidaalka Sacuudiga, iyadoo ugu yaraan laba markab oo shidaal oo Sacuudiga uu leeyahay ay Xuutiyiintu gubeen.

Xuutiyiintu waxay qaateen istaraatijiyad ku dhisan isku dheellitir dagaal. Fariintoodu waa in weerar kasta oo Sacuudigu ka fuliyo gudaha Yemen uu la kulmi doono jawaab si toos ah u taabanaysa kaabayaasha dhaqaale ee Sacuudiga.

Tani waxay Sacuudiga ku qasbeysaa inuu mar kasta miidaamo faa’iidada uu ka helayo duqeynta gudaha Yemen iyo khasaaraha ka dhalan kara weerarrada lagu qaadayo dekedaha, xarumaha shidaalka iyo goobaha kale ee muhiimka u ah.

Si kale haddii loo dhigo, Xuutiyiintu waxay isku dayayaan inay dagaalka ka beddelaan mid ku kooban goobaha dagaalka ee Yemen una rogaan dagaal dhaqaale oo kordhiya culayska saaran Sacuudiga.

Sidaas darteed, kubaddu waxay hadda taallaa dhinaca Sacuudiga, inuu sii wado duqeymaha isagoo og in kaabayaashiisa muhiimka ah ay bartilmaameed noqon karaan, ama inuu doorto waddo lagu yareeyo isku dhaca si looga fogaado dagaal sii fida.