Xuutiyiinta Yemen ayaa ugu yaraan afar gantaallo nooca ballistic-ga ah ku garaacay Sucuudi Careebiya, iyada oo qiiq laga arkay Saldhigga Ciidamada Cirka ee Boqor Khaalid.
Warbixin ay sii daayeen isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo Al Jazeera baahisay ayaa lagu sheegay gantaallada in la qabtay oo aysan gaysan khasaare, balse xaaladan ayaa muujinaysa xiisad cusub oo u dhaxeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.
Mohammad al-Bukhaiti, oo ka tirsan Golaha Siyaasadda ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in kooxdu ay beegsan doonto kaabeyaasha muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ay uga aar-gudanayaan weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee caasimadda Yemen, Sanca.
Al-Bukhaiti ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in weerarrada la qaaday Sacuudiga ay jawaab u yihiin duqeyntii lagu bartilmaameedsaday garoonka Sanca, taasoo sii kordhin karta xiisadda ka taagan gobolka.
Tani ayaa daba socota ka dib markii maanta Sacuudiga iyo dawladda ay taageerraan ee Yemen ay duqeymo ka gaysteen garoonka diyaaradaha Sanca oo ay Xuutiyiintu maamulaan
