Qiimaha Shidaalka Aduunka Oo Maanta Kor u kacay in ka badan 4% Markii Dib u Qarxay Dagaalka Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qiimaha shidaalka ayaa maanta kor u kacay in ka badan 4% , ka dib markii ay sii kordheen walaacyada laga qabo maraakiibta shidaalka ee mara marin-biyood Hormuz.

Xaaladan ayaa ka dhalatay markii Mareykanka iyo Iiraan ay sheegeen inay qorsheynayaan inay qaadaan weerarro militari oo cusub, sida ay weriyay wargeyska New York Times.

Waxaa la filayaa in koror dheeraad ah uu ku yimaado qimaaha shidaalka, sabab la xiriirta in waxyar ka hor uu Trump ku dhawaaqay Mareykanka inuu billaabayo howlgal uu kula wareegayo marin-biyoodka Hormuz, isla markiiba Iiraan oo ka jawaabtay wuxuu ku dhawaaqay la taliyaha dhinaca militariga ee hoggaamiyaha sare ee Iiraan, inta qof Iiraani ah noolyahay inaysan ka tanaasuli karin xaqa ay u leeyihiin maamulka iyo gacan ku heysta marinka Hormuz, sida ay baahisay Al Jazeera