Trump ayaa waxyar ka hor g’aan ka gaaray mar kale canshuurtii uu ku soo rogay maraakiibta ka gudbaysa marinka Hormus waxuuna yiri;
“Waxaan go’aansaday inaan ka tanaasulo canshuurtii 20% ee laga qaadi lahaa badeecadaha ka gudba marin-biyoodka Hormuz,beddelkeedana aan ku beddelo heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka Khaliijka la geli doonaan Mareykanka.”
Trump wuxuu abuuray dhibaato, cidda ay ku dhacaysana waa dalalka Khaliijka , isla iyaga dhibaatada wajahaya ayuu hadana doonaya inuu ku xalliyo cadaadiska uu kala kulmayo gudaha Mareykanka ee ka dhalanaya dhaqaalaha badan ee dagaalka Iiraan kaga baxaya, kaasoo natiijo uu ka gaari la’yahay.
Si cadaadiska meesha looga saaro wuxuu ka doonaya waddamada Carbeed inay la galaan heshiisyo maalgashi oo Mareykanka uu dhaqaalo badan ku helayo.
