Kooxda Dowladda Iran uqaabilsan jabinta shabakadaha muhiimka ah oo kamida garabka Sirdoonka military-ga iran ayaa jabsatay dhammaan qadadka Isgaadhsiinta Taleefoonada shirkadaha Carabta.
Kooxdan oo guulo ka gaadhay dagaalka Internetka waxaay horay ugu ku guuleystay jabsashada telefoonka Xoghayaha Netanyahu.
Ujeedada ay ujabsadeen isgaadhsiinta Carabta ayaa ah si ay udhageystaan una dabagalaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Mareykanka ee Bariga dhexe iyo mas’uuliyiinta iyo madaxda Carabta si ay uhelaan siraha YHDa ay la maleegayaan.
Arrintaan ayaa dhacday intii lagu guda jiray dagaalka dheeraa ee iran kuqaadeen huwanta.
Arrintaan ayaa iran usahashay in ay beegsata aagaga muhiim ah sida saldhigyada Mareykanka, hotelo, xarumo sharikadeed iyo goobo ay gabaad kadhigtaan saraakiisha Mareykanka iyo kuwa xudhiidh la leh.
