Turkiga Oo Somaliya ka Reebay Dalal Africa Ee Uu U Fudeydiyay Dalku-galka eVisaTurki

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Turkiga oo fududaysay dal-ku-galka (Visa) dalkeeda ayaa Afrika u furtay keliya sagaal waddan, kuwaa oo dal-ku-galka dalkaas ka dalban kara dhinaca Internet-ka (E-visa).

Sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee eVisaTurki, sagaalka waddan ee Afrikaanka ah ee muwaadiniintoodu u qalmaan eVisa waa: Aljeeriya,Cape Verde, Masar, Equatorial Guinea, Liibiya, Mauritius, Namibiya, Senegal & Koonfur Afrika.

Muwaadiniinta kale ee qaaradda oo ay ku jirto Soomaaliya oo saaxiib dhow la ah Ankara laguma soo darin kuwa u qalma e-visa Turkiga waxayna u baahan doonaan in dal-ku-galka dalkaas ka codsadaan safaaradaha dalalkaas oo aan si fudud ku bixin.