Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa soo gudbisay qaraar ku baaqaya in Maraykanku si rasmi ah ugu biiro Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), isla markaana laga qaado cunaqabataynta iyo xayiraadaha fiisaha ee lagu soo rogay mas’uuliyiinta maxkamadda.
Qaraarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, uu sheegay inuu doonayo in la wiiqo awoodda ICC. Hadalkaas ayaa dhaliyay dhaliilo, iyadoo taageerayaasha maxkamaddu ay sheegeen in tallaabadaasi ay dhaawici karto caddaaladda caalamiga ah iyo isla xisaabtanka dambiyada waaweyn.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ka hortagga isla xisaabtanka dambiyada culus uu horseedo rabshado hor leh, isla markaana uu sii adkeeyo khilaafaadka iyo xasillooni darrada.
Waxay tilmaantay in ICC ay tahay maxkamad loo adeegsado marka waddan uu ku guuldareysto ama uusan doonayn inuu baaro oo dacwad ku soo oogo dadka lagu eedeeyo dambiyada dagaal, xasuuqa iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.
Xildhibaanaddu waxay ku doodday in haddii Maraykanku uu dhab ka yahay difaaca xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga, uu taageero hay’adaha caddaaladda caalamiga ah halkii uu wiiqi lahaa, iyadoo xustay in qofna uusan ka sarreyn sharciga.
Qaraarkan waxaa sidoo kale taageeray xubno kale oo Dimuqraadiyiin ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada, kuwaas oo ay ka mid yihiin André Carson, Rashida Tlaib, Jesús “Chuy” García iyo Nydia Velázquez.
