Somaliland ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay Xildhibaan Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Quuje), oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari, kaddib markii ay ku dhawaaqday inay ka tanaasushay mowqifkeedii hore ee ku saabsanaa midnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku biirtay qadiyada gooni u goosadka Somaliland.
Go’aankan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo saaxadda siyaasadda, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ay ku tilmaameen tallaabada Fahiima mid muhiim u ah aragtida iyo siyaasadda ay Somaliland ku dooneyso inay ku ballaariso taageeradeeda.
Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Fahiima Quuje ay si ikhtiyaari ah u dooratay inay dib ugu soo laabato Somaliland, isagoo ku tilmaamay siyaasi leh miisaan siyaasadeed iyo waayo-aragnimo dheer.
“Waxa kusoo oodantay siyaasaddii ay ku jirtay, waxayna doonaysaa siyaasad ballaadhan. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay Somaliland kusoo guryo noqoto, oo ay dadkeedii iyo dalkeedii la midowdo. Waxay qaaday tallaabo aad u weyn,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdimaalik.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku ammaanay Fahiima Quuje ereyo muujinaya qiimaha uu u arko doorkeeda siyaasadeed, isagoo ku tilmaamay “johorad, dheeman iyo boqoradda Afrika”, isla markaana sheegay inay kaalin muuqata ku yeelan karto siyaasadda Somaliland.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aanka ay qaadatay Fahiima uusan ka dhalan wax cadaadis ah , balse uu yahay mid ay iyadu si madax-bannaan u gaartay, inkastoo uu sheegay inay jireen wada-hadallo iyo wadatashi muddo socday oo dhex maray dhinacyada ay arrintu khusayso.
Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay mar walba diyaar u tahay inay soo dhoweyso siyaasiyiinta iyo waxgaradka doonaya inay ku biiraan mowqifkeeda siyaasadeed, isagoo xusay in xaaladda amni ee gobollada bari ay tahay mid deggan, isla markaana ay dhammaatay colaado uu sheegay inay hore uga jireen deegaannadaas.
Sidoo kale, Wasiir Maxamed Cabdimaalik ayaa sheegay in Somaliland ay maalmahan dambe soo dhoweysay cuqaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka yimid magaalada Laascaanood, kuwaas oo uu sheegay inay ku jiraan mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay maamulkii hore ee SSC-Khaatumo, taasoo uu ku tilmaamay inay muujinayso kororka taageerada ay Somaliland ka helayso deegaannadaas.
