Ciidamada Liibiya Oo Qabtay Magafayaal Somali ah Oo loo Haysto Afduub iyo Jirdil loo Geystay Somali Badan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada ammaanka ee magaalada Tajuuraa, bariga caasimadda Liibiya ee Tripoli, ayaa sheegay inay qabteen laba qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen koox afduub u geysan jirtay muhaajiriin Soomaaliyeed, kuwaas oo la sheegay in la jirdili jiray, kadibna muuqaallo laga duubo loo diri jiray ehelladooda si lacag madax-furasho ah looga qaato.

War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada taageera agaasinnada amniga ee deegaanka Tajuuraa ayaa lagu sheegay in howlgalka uu yimid kadib xog sirdoon oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda, taasoo keentay baaritaanno iyo dabagal lagu soo qabtay tuhmanihii ugu horreeyay, isla markaana lagu badbaadiyay laba qof oo la sheegay inay xilligaas la kulmayeen jirdil.

Hay’addu waxay sheegtay in baaritaanno dheeraad ah iyo iskaashi lala yeeshay cutubyo amni ay suurageliyeen in la qabto tuhmanaha labaad oo lagu magacaabay Alk Xasan, kaas oo sidoo kale ah Soomaali, laguna eedeeyay inuu ku lug lahaa afduubka iyo jirdilka muhaajiriin Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in labada eedeysane loo gudbiyay habraacyada sharciga, iyadoo baaritaannadu ay weli socdaan si loogu gudbiyo xeer-ilaalinta.

Sidoo kale, waxay sheegeen in baadi-goob lagu hayo tuhmanaha saddexaad ee la rumeysan yahay inuu baxsad yahay, iyadoo wararku tilmaamayaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda ay u baxsadeen magaalooyinka xeebaha Liibiya, iyagoo la sheegay inay isku dayayaan inay dalka uga baxaan dhanka tahriibka sharci darrada ah.