Koox Hubaysan Oo Maanta Dishay Imaamka iyo Khadiibka Sunniyiinta Iran Sheekh Maxamed Anwar

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Koox hubaysan ayaa maanta dishay Sheekh Maxamed Anwar Rigi, oo ahaa imaamka iyo khadiibka Sunniyiinta ee Masaajidka Imaam Cali bin Abii Daalib oo ku yaal magaalada Mirjaveh ee gobolka Sistan iyo Baluchestan ee koonfur-bari dalka Iiraan, oo ah halka ay ku noolyihiin bulshada ugu badan ee Sunniga Iiraan.

Weerarkan oo si qorsheysan loo fuliyay ayaan ilaa hadda cidina sheegan mas’uuliyaddiisa, sida ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dawladda Iiraan ee IRNA.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarku dhacay saacadihii hore ee subaxnimadii ee Isniinta maanta, waxayna dablaydu dilka Sheekha fuliyeen isla markii uu masaajidka kasoo baxay salaaddii Subax.

Guddoomiyaha degmada Mirjaveh ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna ku tilmaamay fal argagixiso oo ujeeddadiisu tahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, isla markaana lagu abuuro kala qaybsanaan dadka gobolka.

Bishii December 2024, ayaa la isku dayay in la dilo Sheekh Rigi , oo ka badbaaday weerar toogasho ah oo uu la kulmay, iyadoo weerar kale oo dib loo soo abaabulay uu maanta ku dhintay.

Wuxuu dilkan u muuqda in laga raadinayo isku dhac sunniga iyo shiicada ku xooggan Iiraan , taasoo dhalin karta dagaal diimeed ama mid sokeeye.
Alla u naxariisto.