Dab xooggan oo Baabi’iyay Qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha Muqdisho.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dab xooggan ayaa maanta ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, isagoo geystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dabka ayaa ka billowday agagaarka Isgoyska Cabdalla Shideeye, ka hor inta uusan si xowli ah ugu fidin dhowr goobood oo ganacsi. Holaca iyo qiiqa madow ayaa cirka isku shareeray, iyadoo ganacsato iyo dadweyne ay ku dadaalayeen inay badbaadiyaan hantidooda, balse xawaaraha dabka ayaa adkeeyay dadaalladaasi.

Ciidamada Dab-damiska Gobolka Banaadir ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo bilaabay howlgal ballaaran oo lagu daminayo dabka laguna xakameynayo inuu ku fido qeybaha kale ee suuqa. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xiray waddooyinka ku dhow goobta si ay ugu fududeeyaan gaadiidka gurmadka inay si hufan u gutaan shaqadooda.

Ganacsato badan ayaa sheegay inay waayeen hanti badan oo ku jirtay goobahooda ganacsi. Mid ka mid ah dadka uu dabku saameeyay ayaa sheegay in dabku uu baabi’iyay ilihii uu qoyskiisa ku maareyn jiray.

“Wax walba waa iga gubteen. Goobtan ganacsi ayaan ka dabooli jiray nolosha qoyskayga, maanta wax ii haray ma jiraan,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta dhalisay dabka, mana jirto qiimeyn rasmi ah oo laga bixiyay khasaaraha guud ee ka dhashay. Sidoo kale, ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare naf ah oo la xiriira dhacdadan.

Suuqa Bakaaraha, oo ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga Soomaaliya, ayaa hore dhowr jeer u wajahay dabab waaweyn oo sababay burbur hantiyeed. Inkastoo dabab badan oo hore loo xiriiriyay cilado koronto, sababta rasmiga ah ee dabkan ayaa weli baaritaan ku socdaa.