Trump ayaa waxyar ka hor yiri:”Madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac wuxuu doonayaa inuu faragelin ku sameeyo arrinta Xisbullah.”
Wuxuu intaa ku daray;”Wuxuu dib u mideeyay Suuriya. Wuxuu doonayaa inuu wax ka qabto Xisbullah. Muddo dheer ayuu la dagaallamayay Xisbullah, waxaana u maleynayaa inay taasi noqon karto mid aad waxtar u leh. Waa arrin aan ka fikirayo.”
Axmed Sharac, illaa hadda kama falcelin hadallada soo laablaabtay ee toddobaadyadii u dambeeyay ee Trump ku sheegayay in arrinta Xisbullah iyo hub ka dhigisteeda uu ku wareejinayo Sharac, taasoo ah waxaan u fududeyn madaxweynaha Suuriya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun ayaa maanta tagay Aqalka Cad ee Mareykanka, isagoo wadahadallo la yeeshay Trump.
Inta ay warbaahinta la hadlayeen, wuxuu madaxweynaha Lubnaan yiri; “Waxaan muddo doonayay inaan la kulmo madaxweyne weyn oo adiga oo kale ah.”
Trump ayaa ku jawaabay isagoo kaftamaya: “Ma aragteen? Wuxuu yaqaan sida wax laygu qanciyo. Hadda wax kasta ayuu heli karaa.”

