Elon Musk, ayaa hadda usoo baxay inuu hoggaamiyo olole nacaybka Muslimiinta, isagoo isku dayaya in dalalka galbeedka inuu ku qanciyo dhulalkooda in laga mamnuuco Muslimiinta.
Barnaamij ka baxay wargeyska Economic, ayaa si toos ah loo waydiiyay Musk, inuu yahay mid nacayb u qaba Muslimiinta oo ka soo horjeeda.
Wuxuu uga jawaabay si aysan horay ugu dhiirran dadka lagu yaqaan Muslim nacaybka, isagoo yiri;
“Haddii dad ay waddan yimaadaan iyagoo wata aragtiyo si buuxda uga soo horjeeda qiyamka dalkaas, anigu taas waan ka soo horjeedaa.”
Waxaa kaloo uu yiri; “Waxaan ka soo horjeedaa kufsiga iyo dilka. Waxaan ka soo horjeedaa in la soo rogo xeerar iyo sharciyo ka hor imanaya qiyamka iyo nidaamka aan ku aqbalnay dalalka Reer Galbeedka.”
Ugu dambeyntii wuxuu yiri; “Waxaana u arkaa arrin aad looga xumaado in warbaahinta soo jireenka ah ee idinka oo kale ah aysan arrintaas garanayn ama aqoonsanayn (si fudud wuxuu ula jeeda , sida aan u qeexayo uma qeexdaan).”
Maxay ka dhiganyihiin hadalladan?
Elon Musk, waa shaqsiga loo aqoonsanyahay inuu ugu dhaqaale badan yahay caalamka , balse muddooyinkii u dambeeyay wuxuu la soo baxay nacayb sare maray oo Muslimiinta uu u qabo, isagoo dhaqaale badan siiya dhaqdhaqaaqyada midigta fog ee xagjirka ah , kuwaasoo Muslimiinta iyo dadka soogalootiga ah ee dalalka galbeedka tagaya ka soo horjeeda, isagoo xataa filayay in afkartiisa cidda xambaari karta ay tahay Trump, wuxuu ololihii lagu doortay Trump geliyay malaayiin doolar, balse markii dambe way kala badeen sabab la xiriirta Elon , wuxuu arkay Trump inuusan joogin halkii uu ka filayay, in kasto wali Trump uu yahay mid ay ku daydaan dhaqdhaqaaqyada midigta fog ee ka jira dalalka galbeedka.
Balse, waxaa jirta dhibaato uu dusha saaranayo Elon oo si cad uu fashil iyo guul darro kala kulmi karo, waa in faafinta nacaybka Muslimiinta ay tahay ajande ay horey ugu soo guul darreysteen dalal iyo shaqsiyaad xagjir ah. Wax walba oo Muslimiinta laga sheegayay wax ka duwan ayay dadka galbeedka ka soo jeeda ugu tageen markii ay booqdeen dhulalka muslimiinta, illaa laga gaaray Diinta Islaamka inay maanta tahay midka ugu koritaanka badan dalalka galbeedka, halka qoysas badan oo reer galbeed ah ay u haajireen dhulka Muslimiinta degganyihiin oo dalalka Khaliijka ugu horreeyaan.
Tobankii sannaba mar, waxaa dagaal laga qarxiyaa Bariga Dhexe , iyadoo dagaalladan ay qayb ahaan muujiyaan sida ay ula xiriiraan dib u dhigista horumarka Muslimiinta , xilli dawladaha dhaqaalaha haysta ee Muslimka ay saameyn ku yeesheen dalalka Galbeedka iyo Israa’iil, oo wata ajandayaal ay ku jiraan sida dunidda kale loogu soo bandhigi lahaa dhulalka Muslimka inay yihiin kuwa xasarado aysan ka dhammaan ama dhexdooda dagaallo ay ka furanyihiin.
Xilli ay jiraan ajandayaal ka dhan ah Muslimiinta, hadana ma jiro qorshe ay dalalka hormuudka u ahaa Muslimiinta ka leeyihiin in laga hortaggo ama la iska caabiyo, taa si ka duwan waxay dhaqangelinayaan aragtidayada lagu sumcad dilayo Muslimiinta.
