Sababta Uu Trump u Hakiyay Weerarradii Maraykanku ka Fulinayay Gudaha Iiran Oo la Ogaaday.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Gantaallada weerarka iyo kuwa nidaamyada difaaca ee ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay inay si weyn hoos ugu dhaceen, taasoo lagu sheegay inay tahay waxa ku dhaliyay Trump inuu ku dhawaaqo inuu hakiyay weerarradii uu Maraykanku ka fulinayay gudaha Iiraan.

Taliyaha u sarreeya ciidanka Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, Jen. Brad Cooper ayaa la sheegay inuu ku taliyay weerarro kooban inaysan dhalinayn wax isbeddel ah, taa beddelkeedana la doorto in dagaalka la hakiyo, sida ay werisay warbaahinta Aqalka Cad ku dhow ee Axios.

Warbixintan waxaa kaloo lagu sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo miiska wadahadalka inay dib ugu soo laabtay Iiraan iyo Mareykanka , si xal diblomaasiyadeed loo helo ,xilli Iiraan ay dhankeeda sheegtay inay hakisay weerarradii ay ku beegsanaysay saldhigyada ciidanka Mareykanka ee Bariga Dhexe, markii Mareykanku joojiyay weerarradii gudaha Iiraan.