“Netanyahu wuxuu Doonaya inuu Nagu Riixo Dagaal aan Dhamaad laheyn” Trump

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa waxyar ka hor inta uusan Aqalka Cad ku qaabilin Netanyahu, wuxuu la hadlay Fox News, wuxuuna ku tilmaamay Netanyahu qof doonaya Mareykanku uu ku riixo dagaal waqti dheer qaata oo lala galo Iiraan, balse taas uusan ka dhageysan doonin.

Trump, wuxuu yiri; “Netanyahu wuxuu doonayaa inaan weerar ku qaado Buurta Jabal al-Faas, sababtoo ah wuxuu rabaa inaan dagaalka sii wado.”

Wuxuu intaa ku daray;“Uma baahni in Netanyahu arrintaas ii sheego, mana u baahni xogta sirdoonka Israa’iil, waayo waxaan fahmaya ujeedka uu ka leeyahay oo keliya ah inaan dagaalka sii wado.”

Hadalkan wuxuu Trump, sheegay saacado ka dib markii wargeyska New York Times uu maanta baahiyay warbixin lagu sheegay Netanyahu inuu usoo badhigi doono xog cusub oo sirdoon oo sheegaysa Iiraan inay wado qorshe qarsoodi ah oo ay ku horumarinayso barnaamijkeeda nukliyeerka, gaar ahaan xarunta ku taal deegaanka Jabal al-Faas.