Trump, ayaa wareysi uu maanta siiyay Fox News ku sheegay in Maraykanku uu si xooggan u weerari doono Iiraan, isagoo ku tilmaamay inay jawaab u tahay weerarkii lama filaanka ahaa ee saqdii dhexe ee xalay lagu qaaday saldhig ay ciidanka Mareykanka ku leeyihiin dalka Jordan.
Trump ayaa yiri:”Waa dad nacalad ku dhacday…Waxaan u duqeyn doonaa si xooggan, waxayna la kulmi doonaan weerar aad u culus.”
Duqeymaha ay diyaaradaha Sacuudiga oo taageerro ka helaya Mareykanka ay xalay ka fuliyeen bariga Ciraaq, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen afar xubnood oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan oo xilliga duqeynta ay dhacday ku sugnaa saldhig ay lahaayeen ciidanka Xashd Shaacbi oo ay taageerto Iiraan, sida ay sheegtay warbaahinta Iiraan ee Didban oo xiriir la leh dawladda Iiraan.
Dhimashada xubnahan ayaa ku riixi karta kooxaha Iiraan taageerto ee ka howlgalla Ciraaq inay weerarro aargoosi ah ka fuliyeen gudaha Sacuudiga, iyagoo toddobaadkii hore diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku beegsaday warshadaha sifeeya shidaalka ee Sacuudiga, taasoo dhalisay weerarkii xalay Sacuudigu ka fuliyay dhulka Ciraaq
