Boqolaal Askari Oo Israel u Diyaarisay Duulaan ka Dhan ah Qasa Oo Gadooday.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

In ka badan boqol askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil oo loo diyaariyay inay ka qaybgalaan duulaan cusub oo Israa’iil ku qaadayso marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta ayaa maanta isaga baxay saldhigga Sde Teiman, iyagoo sameeyay gadood, sida uu baahiyay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv.

Askartan ayaa isaga tagay hubkooda waxayna dib ugu laabteen guryahooda. Waxayna inta badan ka tirsanaayeen Guutada Sabar ee hoos tagta Guutada Givati.

Sida ay sheegeen ilo militari oo Israa’iili ah, sababaha gadoodka ayaa ah: Ka dib markii askarta, oo bilooyin ku sugnaa Lubnaan, ay dib ugu soo laabteen saldhiggooda militari,iyagoon helin wax nasniino ah waxaa la qorsheeyay in loo diro Qasa,waxaa kaloo taliska guud uu ku soo rogay tallaabooyin adag:

Waxaa laga mamnuucay inay fasax ku baxaan iyagoo xiran dareyskooda militari, waxaana lagu qasbay inay xirtaan dharka rayidka.

Waxaa saldhigga laga saaray calaamadaha iyo astaamaha cutubyada lugta, kuwaas oo askartu u arkaan dhaqan militari.

Taliyeyaasha guutooyinka ayaa burburiyay looxyadii xusuusta ee lagu qoray magacyada askartii lagu dilay Qasa iyo Lubnaan.

Sidaas darteed, askartu way gadoodeen, waxayna ka tageen hubkoodii kana baxeen saldhigga. iyadoo Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay fureen baaritaan ku saabsan dhacdada.

Sarkaal sare oo militari Israa’iili ah ayaa yiri: “Tani runtii waa arrin aan caadi ahayn.”

Sarkaalku wuxuu sheegay in tallaabadan ay tahay dhacdo aan hore loogu arag ciidanka Israa’iil, isla markaana ay si degdeg ah u saameysay awoodda guutada, maadaama aysan hadda diyaar u ahayn inay ka qayb gasho hawlgalladii loo qorsheeyay ee Qasa.

Saldhigga Sde Teiman oo godaadku ka dhacay maanta sidoo kale caan ku ah inuu yahay xarun lagu hayo maxaabiis Falastiiniyiin ah tan iyo markii uu billowday dagaalka Qasa 7-dii Oktoobar 2023, halkaa oo warbixinno badan ay ku sheegeen goob lagu dhibaateeyo Falastiiniyiinta oo qaarkood ku dhintay jirdil iyo gabood falo ay kala kulmeen askarta Israa’iil.