Madaxda Israa’iil Oo ka Carooday Go’aankii Trump ku Joojiyay Weerarkii Iran ka Dhan ka ahaa.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta rasmiga ah Israa’iil ee Kan News ayaa maanta baahisay warbixin lagu sheegay in hoggaanka Israa’iil ay ka caroodeen go’aankii Trump uu ku joojiyay weerar la qorsheeyay oo lagu qaadi lahaa Iiraan,iyagoo sheegay inay tahay markii labaad toddobaad gudihiis oo Trump uu joojinayo weerar noocaas ah.

Waxaa kaloo ay sheegeen in marka weerarka la qorsheeyo dabadeed daqiiqaddii ugu dambeysay la baajiyo, ay taasi dhibaato ku tahay qorshaha iyo diyaar-garowga ciidamada, waxaana markii u horreysay hoggaanka Israa’iil laga maqlay inay rumeysan yihiin Trump hadda inuu doorbidayo heshiis lala gaaro Iiraan, halkii uu dooran lahaa dagaalka.