Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta si rasmi ah u magacaawday guddiga qabanqaabinaya doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah diyaarinta habraaca doorashada hoggaanka Golaha Shacabka, kaddib markii uu bannaanaaday xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Guddigan ayaa loo xil saaray inuu maamulo dhammaan howlaha farsamo iyo maamulka ee la xiriira doorashada, laga bilaabo diiwaangelinta musharrixiinta, hubinta shuruudaha, diyaarinta jadwalka doorashada iyo kormeerka hannaanka codeynta.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah, guddigu wuxuu ka shaqeyn doonaa in doorashadu u dhacdo si waafaqsan Dastuurka , Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo habraacyada Baarlamaanka, iyadoo la ilaalinayo hufnaan, daahfurnaan iyo sinaan ay helaan dhammaan musharrixiinta.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa loo arkaa mid muhiim u ah sii socodka shaqada Baarlamaanka, maadaama Guddoomiyuhu yahay mas’uulka ugu sarreeya Golaha, isla markaana hoggaamiya fadhiyada, ansixinta ajandayaasha sharci-dejinta iyo xiriirka Golaha uu la leeyahay hay’adaha kale ee dowladda.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda guddigu uu shaaciyo jadwalka rasmiga ah ee doorashada, waqtiga la qabanayo isdiiwaangelinta musharrixiinta iyo maalinta codbixinta, iyadoo xildhibaannada Golaha Shacabka ay dooran doonaan guddoomiyaha cusub.
Doorashadan ayaa imaanaysa xilli Baarlamaanku uu wajahayo ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhammeystirka sharciyada horyaalla Golaha, arrimaha dib-u-eegista dastuurka iyo la socodka howlaha dowladda Federaalka.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA.

