Puntland Oo War Adag ka soo Saartay Dagaalka ka Aloosan Gaalkacyo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4-ta Ogosto 2026 soo saartay war-saxaafadeed culus oo ay si adag ugu cambaareynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), iyada oo ku eedeysay inay hub iyo ciidan ku soo daabulayso deegaannada Puntland.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maanta oo Talaado ah ay Dowladda Federaalku hub kale ka soo dejisay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Galmudug, kaas oo loo waday dhanka Puntland. Waxaa lagu daabacay in hay’adaha amniga iyo shacabka Galmudug ay ka hortageen hubkaasi, taas oo ka dib dhalisay iska hor imaad sababay khasaare.

Puntland waxay bogaadin iyo u mahadcelin u dirtay Dowladda Galmudug, ciidamadeeda iyo shacabkeeda, iyada oo ku amaanay ka hortagga waxa ay ugu yeertay “amni darrada ay DFS ka waddo Gobolka Mudug”. Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in labada maamul (Puntland iyo Galmudug) ay ka dhexeyso daris-wanaag, wada-noolansho bulsho iyo wada-shaqeyn maamul, ilaalinta amniga gobolkana ay tahay mas’uuliyad saaran labada dhinacba.

Qoraalka Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale Ummapda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamud, uu colaad ka hurinayo Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo ay si nabad ah ku wada degan yihiin shacabka labada maamul. Puntland waxay caddeysay in mas’uuliyadda wixii amni darro ah oo ka dhasha falkaasi ay qaadayso Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii, Dowladda Puntland waxay ugu baaqday shacabkeeda inay ka digtoonaadaan faragelinta dhanka amniga ah ee DFS, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo dhaawici kara maamulnimada, amniga iyo xasiloonida Puntland.