Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa ka falceliyay heshiiska difaaca wadajirka ah ee maanta ay gaareen Turkiga,Pakistan iyo Sacuudiga, isagoo sheegay Iiraan oo kaligeed ah inay awooday iska caabinta iyo ka hortagga ciidanka lagu bixiyo dhaqaalaha ugu badan caalamka, isku-tagga Muslimiintana uu dhalinayo awood ballaaran oo cadow kasta ay isaga difaaci karaan.
Wuxuu intaa ku daray; “Marka Muslimiintu si wadajir ah u istaagaan, waxaan awoodnaa inaan si toos ah uga hortagno caqabad kasta oo ay keenaan shisheeyaha xaasidka ah.”
Waxaa kaloo uu yiri;“Waxaa la gaaray waqtigii aan ku tiirsanaan lahayn nafteena oo keliya, isla markaana aan qaadan lahayn walaaltinimo dhab ah.
