M/Deni Oo Sheegay In Musharrax u Ahayn Puntland Uu-na Dhisayo Qofka Xisbigiisa Kaah Sharraxo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa si cad u sheegay inuusan ahayn musharrax u taagan mar saddexaad xilka Madaxweynaha Puntland, isla markaasna uu dhisayo qofka xisbiga xukuumadda ee Kaah sharraxo.

“Dastuurku laba jeer ayuu ii oggol yajay hoggaanka PL, labadii jeerna waan lay doortay, laba sanno ayaa ii hadhay, ninka doonaya xilka ha iskeeno, xisbigeenna musharrixiisa ayaan dhisayaa.”

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya, hadal-hayn ka taagnayd furista Dastuurka Puntland, iyada oo mucaaridka ay ka weleelsanaayeen in mar saddexaad uu xilka ku soo laaban karo Deni.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale musharraxiinta Puntland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada, isaga oo xaqiijiyay in doorashada Puntland lagu qaban doono waqtigeeda.

Hadalkan Deni ayaa kusoo beegmaya xilli ay Puntland si weyn uga taagan tahay doodda ku saabsan hannaanka doorashada iyo cidda u tartami doonta hoggaanka Puntland, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee xisbiyada iyo siyaasiyiinta doonaya inay u tartamaan xilka Madaxweynaha.

Waxa la wada filayaa in Madaxweyne Deni uu u taagan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa se goorhoreba bilaaban doona loolanka cidda Deni u dhisi doono Puntland, 2029-ka.