Trump Oo Markii u Horreysay Qirtay in Iiraan ka Dalbatay Magdhowga khasaarihii Dagaalka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa markii u horreysay xaqiijiyay inay Iiraan ka dalbatay inuu bixiyo magdhowga khasaarihii ay kala kulantay dagaalka.

Wuxuu yiri; “Waxaan arkayaa in wakiillada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay dalbanayaan magdhow ku saabsan khasaaraha soo gaaray intii lagu jiray dagaalkii shanta bilood socday, kaas oo bilowday kadib markii ay doonayeen inay yeeshaan hub nukliyeer ah.Inkasta oo arrinta magdhowga aan marna lagu soo hadal qaadin mid ka mid ah wada-xaajoodyadii ama kulamadii aan la yeelannay, haddana waa fikrad xiiso leh.

Trump ayaa intaasi ku daray “Aniguna waxaan Iiraan ka dalbanayaa magdhow ku saabsan dhammaan dadka ay ku dishay ama si daran ugu dhaawacday duqeymo iyo weerarro, iyo sidoo kale colaadaha badan ee Iiraan lagu yaqaanay, kuwaas oo qaarkood uu hoggaaminayay Jeneraal Qassem Soleimani.”

Taas waxaa sidoo kale ku jira qoysaska dadkii lagu dilay weerarkii lagu qaaday markabka dagaalka Mareykanka ee USS Cole, iyo kumannaan qof oo kale oo lagu dilay dagaallada.

Sidoo kale, waa in magdhow la siiyaa qoysaska boqollaal kun oo dibadbaxayaal aan waxba galabsan ah oo Iiraan dishay 50-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo aan la xusin 52,000 oo qof oo la dilay shantii bilood ee lasoo dhaafay.

Waxaan wakiilladayda faray inay dalabaadkan si adag u hor dhigaan wada-xaajoodyo kasta oo mustaqbalka lala yeesho Iiraan.”