Wasiirrada Israa’iil Oo Billaabay inay sare u Qaadaan Walaaca Isbahaysiga Difaaca Ee Sacuudiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirrada Israa’iil ayaa billaabay inay sare u qaadaan walaaca ay Israa’iil ka qabto isbahaysiga difaaca wadajirka ee Pakistan,Turkiga iyo Sacuudiga, iyadoo tiro badan oo wasiirrada Israa’iil ay tan iyo xalay warbaahinta la wadaageen hadallo ay ku soo bandhigayaan walaaca isbahaysigaa ay ka qabaan.

Wasiirka Beeraha Israa’iil, Avi Dichter oo la hadlay telefishinka Channel 14, wuxuu yiri;

“Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga waxay sameeyeen isbahaysi Sunni ah oo Israa’iil si weyn uga walaacsan tahay.Waxayna u muuqataa in Masar ay iyaduna ku biiri doonto isbahaysigan.”

Wuxuu intaa ku daray;“Waxaa hore u jiray isbahaysi ay ku jireen Iiraan, Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan, waxaana ku guuleysannay inaan kala furfurno. Suuriya iyo Lubnaan waxay ka baxeen jihadii isbahaysigaas, waxaana hadda soo baxay isbahaysi kale.Tani waxay naga doonaysaa inaan si weyn uga taxaddarno, sababtoo ah Pakistan waa dal haysta hub nukliyeer ah. Sidaas darteed, waa inaan si dhow ula soconnaa arrintan.”

Waxaa kaloo uu yiri;“Arrintani waxay sidoo kale sii kordhinaysaa baahida loo qabo isbahaysi lala yeesho quwad weyn oo la mid ah ama heerka Mareykanka ah.”