Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya, Steen Sonne Andersen, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga, amniga iyo xasilloonida, horumarinta bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, iyadoo Madaxweyne ku-xigeenku uga mahadceliyey dowladda Denmark taageerada dhaqaale iyo horumarineed ee ay siiso Somaliland. Waxa uu sheegay in taageeradaasi ay muhiim u tahay horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hay’adaha dimuqraadiyadda.
Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa safiirka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Denmark ay sii xoojiso taageerada ay siiso Somaliland, gaar ahaan mashaariicda si toos ah u taabanaya nolosha bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta hay’adaha xukuumadda.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Denmark, dalalka Iskaandaneefiyaanka iyo Midowga Yurub ay muhiim tahay inay si dhab ah u qiimeeyaan xaaladda siyaasadeed iyo juqraafiyeed ee Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay leedahay hay’ado xukuumi ah, nidaam dimuqraadi ah, nabadgelyo iyo dowladnimo muddo dheer soo dhismaysay.
Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland u leedahay amniga gobolka, gaar ahaan sugidda amniga marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isaga oo sheegay in xaqiiqada siyaasadeed ee Somaliland loo baahan yahay in loo wajaho si ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Somaliland iyo kaalinta ay ku leedahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Dhankiisa, Safiirka Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen, ayaa bogaadiyey amniga, xasilloonida, horumarka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.
Safiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dowladda Denmark ay sii wadi doonto taageerada mashaariicda horumarineed ee Somaliland, gaar ahaan taageerada ay muddada dheer ku lahayd Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), oo lagu maalgeliyo mashaariic horumarineed oo waafaqsan mudnaanta Somaliland.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-faham iyo aragti-wadaag ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta u dhexeeya Somaliland iyo Denmark.
