Waxa La Jooga Xiligi Maraykanku Ictiraafi Laha Somaliland.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maalmo ka hor waxaan arkay wareysi ay bixisay Jendayi E. Frazer, oo ah diblomaasi Maraykan ah oo hore u soo noqotay Safiirka Maraykanka ee Koonfur Afrika, isla markaana ahayd Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Afrika xilligii Madaxweyne George W. Bush. Frazer oo muddo dheer khibrad u lahayd siyaasadda iyo arrimaha Afrika ayaa wareysi ay bixisay sannadkii 2022 kaga hadashay isbeddelka siyaasadda Maraykanka ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Frazer waxay sheegtay in 11-kii Sebtembar 2001 ka hor, Maraykanku Somaliland iyo Soomaaliya ku eegi jiray hal il, iyadoo aan Somaliland laga lahayn siyaasad gaar ah. Balse weerarradii 11-ka Sebtembar kaddib, muhiimadda amniga iyo istiraatiijiyadda Geeska Afrika ayaa korodhay, taasina waxay Washington ku kalliftay inay si dhow u eegto arrinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale tilmaantay in muddadii u dhexaysay 2003–2010, Somaliland ay samaysay horumar muuqda oo dhinacyada dawlad-dhiska, dimuqraadiyadda, doorashooyinka, xasilloonida iyo amniga ah. Frazer waxay si cad u muujisay in ay aaminsanayd in Somaliland mudan tahay aqoonsi caalami ah, iyadoo xustay in Midowga Afrika uu Somaliland u diray ergooyin iyo khubaro si ay xaaladdeeda u qiimeeyaan. Hase yeeshee, arrinta aqoonsigu ma aysan hirgelin, sababo ay ka mid yihiin siyaasaddii Qaddaafi ee ku wajahnayd Afrika mid ah iyo cabsi laga qabay in aqoonsiga Somaliland uu horseedo kala-daadsanaan dheeraad ah oo Soomaaliya iyo qaaradda Afrika ah. Dood xoojjin middaa u ahna, waakii Ambsaddor Cawil waraysigii u danbeeyay ku sheegay Ethiopia lafteedu in aanay rabin waqtigaa aqoonsiga Somaliland.

Dhanka kale, Jennifer Griffin, oo ah wariye sare oo Maraykan ah kuna takhasustay amniga qaranka, militariga iyo arrimaha Bariga Dhexe, ayaa warbixin ay dhawaan ka diyaarisay khatarta Xuutiyiinta iyo xaaladda Bab el-Mandab si gaar ah u muujisay qiimaha istiraatiijiga ah ee Somaliland u leedahay danaha Maraykanka. Waxay tilmaantay in haddii khatarta Xuutiyiintu sii socoto ama kasi