Tuesday, August 18, 2026

Madaxweyne Xasan Oo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Gaalkacyo.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Gaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Cadow ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isaga oo soo indha-indheeyay fasallada, goobaha tababarka, xafiisyada maamulka, guryaha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee xarunta, halkaasi oo ardayda lagu baro xirfado ay ka mid yihiin korontada, dhismaha guryaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug sida mudnaanta loo siinayo hirgelinta mashaariicda waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan kuwa lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.

Madaxweynaha ayaa xusay in maalgelinta xarumaha noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka qaadanayso yaraynta shaqo la’aanta, maadaama ay dhallinyarada siinayaan aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan, isla markaana ay ku abuuran karaan fursado shaqo oo cusub.
DHAMMAAD