Ciyaaryahankii hore ee kubadda cagta oo Brazil u dhashay, Roberto Carlos oo toddobaadkan baraha internet-ka oo ay ku jiraan kuwa Soomaalida lagu faafiyay inuu qaatay diinta Islaamka, ayaa si cad uga falcelinta faafintaa , isagoo sheegay inuu ixtiraamayo diinta Islaamka, balse uusan qaadan oo ay been tahay wararka la faafiyay.
Muuqaal la faafiyay oo laga arkay gabar u dhalatay Morocco oo diinta Islaamka uu ku mehersanayo, wuxuu sheegay inuu qayb ka ahaa dhaqamada iyo diimaha kala duwan ee ay kala haystaan ee Katoolika uu yahay iyo Islaamka in meherkiisu ku dhacay, taasoo ah wax aysan shareecada Islaamka oggaleen, balse hab dhaqan ah ay u fulisay haweenayda Marookanka ah ee Katoolik-ga guursatay.
