Raysal wasaaraha Itoobiya, Oo ka Hadlay Wayneynta Dhalashada Nabiga NNKHA

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka hadlay waynaynta dhalashada Nabi Maxumed SCW Isagoo sidoo kale ku fogaaday amaanta iyo dhaqanka suuban ee Nabigeena NNKHA waxuuna yiri:

“Nabiga NNKHA wuxuu dunida u yimid si uu u beddelo jiilal badan Nabigu wuxuu u sameeyay naf-hur, wuu haajiray, cunto, cabbis, hoy & ehelkiisa ayuu ka fogaaday si uu u fidiyo diinta, waxa lagu furay dagaallo, waa la dili gaadhay…” ayuu yir Abay Ahmed

Abiy ayaa intaasi ku daray:-“inta aan ku guda jirno weynaynta dhalashada Nabiga aan wax ka baranno nolashii Nabiga, wixii aan ka baranana aan dal dhiska uga faa’ideysano.”