Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Mareykanka ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Vnukovo ee ku yaal caasimadda Ruushka ee Moscow, markii hore duulimaadkan waxay warbaahintu u tebisay dhacdo aan caadi ahayn, xilligaa oo aysan jirin cid heshay xogta diyaaradan.
Balse, warbixin ay mar dhow baahisay warbaahinta Mareykanka ka soo baxda ee Axios oo ku dhow Aqalka Cad ayaa lagu sheegay diyaaradan oo ahayd Boeing C-17A , inuu la socday madaxa hay’adda sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA-da, John Ratcliffe.
Duulimaadkan oo shalay ka soo baxay Washington, D.C., taas uma tegin Moscow , waxay diyaaradan oo ku duulaysay magaca RCH4555 ay sii martay garoon diyaaradeed oo ku yaalla caasimadda dalka Latvia ee Riga, hakasho ka dibna waxay toos ugu duushay Moscow.
Warbixinta Axios, waxaa kaloo lagu sheegay Mareykanka inuu wargeliyay Ukraine socdaalka madaxa CIA-da uu ku tagayo Moscow, iyagoo ka codsaday inay Ukraine joojiso duqeymaha ay ka gaysanayso Moscow inta wafdigan oo noqonaya kuwii ugu sarreeyay oo ka socda Mareykanka oo tagaya Moscow tan iyo bishii Jannaayo 2026 ay halkaa ku suganyihiin, iyadoo illaa hadda aan la faahfaahin ujeedka socdaalkan madaxa CIA-da ,marka laga soo tago Axios oo sheegtay saraakiil Ruush ah inuu la kulmayo

Screenshot

Screenshot
