Tuesday, August 25, 2026

Trump Oo Sheegay in Marinka Hormuz laga Nadiifiyay Miinooyinkii Lana Wiiqay Dhaqaalihii Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Marinka Hormuz laga nadiifiyay miinooyinka, isla markaana ciidamada Maraykanka ee loo yaqaan “Space Force” ay kormeerayaan dhammaan marinka.

Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku qoray in Ciidanka Badda Maraykanku u sheegeen in dhammaan miinooyinkii ku jiray biyaha caalamiga ah ee Marinka Hormuz laga saaray ama la qarxiyay.

Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu Iran uga digay in markab kasta oo isku daya inuu miinooyin dhigto si “degdeg ah oo nidaamsan” loo burburin doono. Wuxuu intaas ku daray in haddii Iran ay jebiso amarkaasi, loola dhaqmi doono sidii loogu dhaqmay “Koh Kalinga” iyo saddex xarumood oo kale oo nukliyeer ah.

Trump ayaa marar badan sheegay inuu si buuxda u maamulo Marinka Hormuz, wuxuuna ku dhawaaqay in marinku yahay dhul Maraykanku leeyahay.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa dhankooda sheegay in dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marinkan uu ku socdo oo keliya iyadoo ay Iran maamusho oo kormeerto.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iran aysan awoodin inay bixiso mushaharka qayb weyn oo ka mid ah ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu maanta ku daabacay bartiisa Truth Social ku sheegay in “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee dhaqaale ahaan burbursan” aysan bixin mushaharka qayb ka mid ah ciidamadeeda, iyadoo isla markaana ay si aan hore loo arag u dilayso dibadbaxayaal, iyo xitaa dad aan dibadbaxayn.

Trump wuxuu sheegay in xaaladdu tahay “dhibaato bani’aadamnimo oo aad u weyn”, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee Iran, iyadoo Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent uu dhawaan ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo lagu cadaadinayo dhaqaalaha Iran.

Isniintii, Trump wuxuu sidoo kale Truth Social ku qoray in Iran ay qarka u saaran tahay burbur guud.