Abwaan Jiheeye oo ka mid ah bahda dhaqanka Somaliland ayaa goor dhaweyd xabsiga loo taxaabay.
Suxufiga ka qaaday Abwaan Jiheeye ayaa waraysi uu xalay bixiyay, kusoo daray gabay habaar ah oo uu u tiriyey Madaxweyne Cirro. taasoo keentay in ciidanka boolisku ay xabsiga u taxaabeen Abwaan Jiheeye.
Hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in Suxufi Cabdiqani Baylood ee Abwaanka waraystay isna xabsiga loo taxaabay.
Dhinaca kalle xildhibaan ka dareen celiyay xariga abwaanka ayaa tusaale u soo qaatay gabay uu hore u tiriyay AHUN Abwaan Gaarile waxuuna yiri
“Nin ku yidhi “I daw mari”
Duudsiguu tirsanayoo
Laga daayo mooyee,
Wixii kalaba doogiyo
Dacar bay ku kiciyaan.
(Gaarriye ALLE haw naxariisto)
Haddii uu jiro xadhigga Jiheeye, waxaan aaminsanahay inuu ahaa arrin laga baaqsan karayey, isla markaana ay habboonayd in si kale oo ka habboon loo maareeyo. Tabashada Abwaankana waxay ahayd in la dhageysto, lana raadiyo xal iyo is-afgarad.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan qabaa in xadhigu aanu xal ahayn; xalalka saxda ahi waxay ku yimaaddaan wada-hadal, dulqaad iyo in tabashooyinka si masuuliyad leh loo dhageysto
