Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah geysay magaalada xeebeedda Garacad ee gobolka Mudug, halkaas oo la filayo inay ka bilaabaan hawlgallo ka dhan ah kooxaha burcad-badeedda, sida xogaha naga soo gaadhaya deegaanka ay sheegayaan.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dib u soo xoogaysteen falalka burcad-badeednimada ee xeebaha Puntland, isla markaana maamulka Puntland uu hore u sheegay inuu hawlgeliyey laamaha amniga iyo masuuliyiinta degmooyinka xeebaha si wax looga qabto kooxaha burcadda.
Garacad iyo xeebaha ku dhow ayaa bilihii u dambeeyey kamid ahaa meelaha sida weyn loola xidhiidhiyey dhaqdhaqaaqyada burcad-badeedda iyo maraakiibta la afduubtay.

