Tuesday, September 1, 2026

Somaliya: “Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland waa Mid aan Hadda Muhiim ahayn”

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in xidhiidhka hadda u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu ku dhisan yahay Bayaankii Ankara ee la kala saxiixday 2024, isagoo sheegay in hadda aanu wax muhiimad ah lahayn heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland.

Cali Balcad oo wareysi siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Bayaanka Ankara uu labada dal dib ugu xaqiijiyay ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada, madaxbannaanida dhuleednimada midba midka kale. Sida uu sheegay, heshiiskaasi ayaa hadda ah qaabka lagu maamulayo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay heli karto marin la isku halayn karo oo ay badda uga soo gasho Soomaaliya, balse arrintaasi ay tahay in lagu saleeyo heshiisyo ganacsi oo labada dhinacba faa’iido u leh, isla markaana lagu fuliyo awoodda iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan markaas bilownay wada-xaajoodyo farsamo oo Itoobiya iyo Soomaaliya u dhexeeya, kuwaas oo uu Turkigu dhexdhexaadinayay,” ayuu yidhi Cali Balcad, isagoo xusay in wada-hadalladaasi ay muujiyeen in la heli karo waddo sharci ah oo lagu dabooli karo baahida Itoobiya ee marin ganacsi oo badeed, iyadoo aan waxba loo dhimayn madax-bannaanida Soomaaliya.

Sida uu sheegay, natiijada wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya waxay muujinayaan in danaha Itoobiya ee helitaanka marin badeed lagu xallin karo qaab ganacsi iyo diblomaasiyadeed, halkii lagu fulin lahaa heshiisyo ay Soomaaliya u aragto inay wax u dhimayaan madax-bannaanideeda.

Cali Balcad ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in aanu u arkin arrin muhiim ah in waqti badan lagu bixiyo doodda ku saabsan in is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid la hakiyay ama dhintay, isagoo tilmaamay in Bayaanka Ankara iyo wada-xaajoodyada cusub ay yihiin qaabka hadda lagu wajahayo arrinta marin-badeedka Itoobiya.

Hadalkan ayaa imanaya xilli heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland uu weli yahay qodob xasaasi ah oo ka dhex taagan Soomaaliya, Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo Muqdisho ay ku adkaysanayso in marin-badeedka Itoobiya lagu gaadho heshiis ay Soomaaliya qayb ka tahay, halka Somaliland ay heshiiskeeda Itoobiya u arkaysay mid ku salaysan iskaashi iyo dano istiraatiiji ah.