Wednesday, September 2, 2026

Trump Oo Sheegay Inuu la Yaabay Shacabka Iiraan Ee Taageera Dawlada Kacaanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa markii u horreysay maanta si cad u sheegay inuu ka niyad-jabsan yahay shacabka Iiraan, isagoo su’aal ka keenay sababta aysan uga soo horjeesan nidaamka Kacaanka.

Wuxuu yiri; “Iiraaniyiintu ma doonayaan inay nagu caawiyaan dadaalada Mareykanka uu ku ridayo nidaamka kacaanka.”

Wuxuu intaa ku daray; “ Goormee shacabka Iiraan kacayaan oo ay la-dagaallamayaan nidaamka xukuma?”

Hadalka Trump, wuxuu soo bandhigaya sida uu u guul-darraystay isku dayadii uu filayay inay kacdoon gudaha ah ka dhalin karaan Iiraan.

Tusaale ahaan, wuxuu Trump marar badan ku celceliyay in dhaqaalaha Iiraan uu burburayo, isla markaana Mareykanku uu cadaadis weyn saarayo dawladda Iiraan. Laakiin hadalkiisa cusub wuxuu muujinayaa in uu filayay in cadaadiskaas uu dhalin doono kacdoon gudaha ah, taas oo ilaa hadda aan u dhicin sida uu rajaynayo.

Sidoo kale, waxaa la arkay xataa dadka ka soo horjeeday nidaamka kacaanka Iiraan ee ku sugan gudaha Iiraan inay hadda ka soo horjeedaan tallaabooyinka Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan, taasoo xoojinaysa taageerrada ay helayso dawladda Iiraan , si ka duwan waxa uu filayay Trump.

Waxaa kaloo hadalkan uu bannaanka soo dhigaya sida Mareykanku ugu dhibtoonayo xiisadda Iiraan oo ay guul-darraysteen dhammaan iskudayadii lagu doonayay in cadaadis lagu saaro Iiraan, wuxuu Mareykanku fuliyay duqeymo, go’doomin la saaray dekedaha Iiraan illaa cunaqabateyn, intaa oo dhan waxba ma beddelin mana jirto wax kale oo gacmaha Trump ku haray, saacad kasta oo xaaladan lagu jirana waxaa sare u kacaya cadaadiska ka soo baxaya gudaha Mareykanka, xilli doorashada dhexe ee Mareykanka lagu sii dhawaanayo, taasoo dhacaysa bisha November 2026.