Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay qorsheynayaan inay Soomaaliya geeyaan nidaamyo raadaar ah oo loogu talagalay la socodka dhaqdhaqaaqyada maraakiibta iyo isku socodka badda ee xeebaha Soomaaliya.
Jeneraal Anderson oo hadalkan siiyey The Wall Street Journal ayaa sheegay in nidaamyada raadaarka la qorsheynayo in la geeyo deegaano ay maamusho kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ay sii xoojinayaan xiriirkooda, iyadoo iskaashigooda uu ku saleysan yahay tababbarro milatari, hub casri ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones.
Anderson ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay horey Al-Shabaab ula wadaageen tababbarro heer sare ah iyo qalab casri ah oo dagaal, arrintaas oo Washington ay u aragto calaamad muujinaysa in xiriirka labada kooxood uu sii xoogeysanayo.
Sida uu sheegay Jeneraal Anderson, Al-Shabaab ayaa sidoo kale isku dayeysa inay isu beddesho khatar ka gudubta xuduudaha Soomaaliya. Wuxuu xusay in Mareykanku uu dalalka gobolka Geeska Afrika kula wadaagay walaaca laga qabo xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.
Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu bilaabay howlgallo lagu beegsanayo shabakadaha iyo xubnaha fududeeya xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada kooxood.
Jeneraal Anderson ayaa sidoo kale sheegay in horraantii sanadkan duqeyn ka dhacday deegaan ku yaalla qiyaastii 50 KM dhanka Kismaayo lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa xiriirka Xuutiyiinta.
Sarkaalkaasi, sida uu sheegay taliyaha AFRICOM, wuxuu door muhiim ah ku lahaa isku xirka taageerada ay Xuutiyiintu siinayaan Al-Shabaab. Labada dhinac ayaa sidoo kale la sheegay inay doonayaan inay xiriirkooda uga faa’iideystaan dhaqaale iyo in ay saameyntooda ku ballaariyaan goobo ka baxsan Yemen.
Iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ayaa Washington ay u aragtaa inuu abuuri karo khatar cusub oo amni oo saameyn karta Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, gaar ahaan haddii labada kooxood ay helaan awood ay ku la socdaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo isku xirka hawlgallada badda iyo kuwa dhulka.
