Wednesday, September 2, 2026

Lacag Xad-dhaaf ah Oo Lagu soo Rogay Qofka Raba Inuu Sawir la Galo Trump Inta Uu Joogo Shirka Xisbigiisa

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Haddii aad doonayso in aad keligaa sawir la gasho waxa aad bixinaysaa lacag dhan $88,600 oo doollar, sidoo kale hadii aad rabto in aad miis wareeg ah (roundtable) la fadhiisato? Haddii ay jawaabtu ‘HAA’ tahay waa in aad bixiso $250 kun oo doollar.

Sidoo kale haddii aad doonayso in aan ka qaybgasho shirka uu joogo waa in aad bixiso $20 kun oo doollar.

Qofka sawirka lala gelayo cid kale maaha ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka qaybgelaya shir xisbigiisa Jamhuurigu ku yeelanayo magaalada Dalas ee Gobolka Texas ee dalkaas Maraykanka 9 ilaa 10 September 2026.

Trump ma rabo in lagu soo ururo islamarkaana laga mashquuliyo inta uu joogo shirka xisbigiisa, balse qofkii lacag haysta ayaa fursad u helaya inuu sawir la galo ama u soo dhawaado.

Haddaba, adigu ma ku bixin lahayd $88 kun oo doollar sawir aad la fasho Madaxweynahaaga.?