Wednesday, September 2, 2026

Iran Oo War kasoo Saartay Khasaaraha Weerarkii Xalay Ee Maraykanka Una Digtay Dalalka Carabta

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Caafimaadka Iran, Mohammad Reza Zafarghandi, ayaa sheegay in 18 qof ay ku dhinteen, 108 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro xalay ka dhacay gobollo kala duwan oo dalkaas ah.

Weerarradan ayaa ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee uu Maraykanku qaado tan iyo dagaalkii 40-ka maalmood socday.

Buuraha Sirik ayaa ka mid ahaa goobihii ay duqeymaha Maraykanku beegsadeen.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in afar qof, oo ay ku jireen haweeney iyo ilmo ka qaybgalayay xaflad aroos, lagu dilay, halka 65 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Maraykanka.

Pejman Shahrokhi, oo ah madaxa Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Hormozgan, ayaa sheegay in lix ka mid ah dadka ku dhaawacmay dhacdadii buuraha Sirik ay ku jiraan qaybta daryeelka gaarka ah, halka 26 kalena lagu daweynayo qaybta qalliinka.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ay BBC Persian weydiisay, afhayeenka Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM), Kabtan Tim Hawkins, ma uusan beenin wararka ku saabsan weerarka, balse wuxuu sheegay inuu “og yahay” warbixinnada la helay.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Maraykanku aysan waligood si ula kac ah u beegsan dadka rayidka ah.

Gobolka Khuzestan, waxaa la sheegay in toddoba qof lagu dilay, siddeed kalena lagu dhaawacay weerarro ka dhacay goobo ku yaalla Ahvaz iyo Aghajari.

Dhinaca kale “Dalalka la Shaqeeya Mareykanka waxay Wajihi doonaan jawaab culus.”Iran Oo u Digtay

Taliyaha ciidamada Iran ayaa uga digay dalalka gobolka ee xulafada la ah Mareykanka inay wajihi doonaan “jawaab culus”, kadib markii Iran ay weerarro qaaday fiidnimadii Arbacada, taas oo jawaab u ahayd duqeymo isdaba joog ah oo Mareykanku ku qaaday Iran.

Taliyaha taliska Khatam al-Anbiya ee ciidamada Iran ayaa sheegay in dalalka gobolka ee la shaqeeya Mareykanka ay wajihi doonaan “jawaab halis ah”, kadib markii Mareykanku weerar ka fuliyay koonfurta Iran.

Taliyuhu wuxuu bayaan soo saaray Arbacadii, isagoo sheegay in Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo ciidamada Iran ay ka jawaabeen weerarka Mareykanka, ayna waxyeello gaarsiiyeen xarumo iyo saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay gobolka.

Wuxuu intaas ku daray in dalalka gobolka ee ay ciidamada Mareykanku ku sugan yihiin ay tahay inay “qaataan jawaabta culus ee ka dhalanaysa la shaqaynta ciidamada Mareykanka ee weerarka wada”.

Qiyaastii hal saac kadib markii Mareykanku bilaabay duqeymaha cirka ee xeebaha koonfureed ee Iran habeenkii Arbacada, Ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo ciidamada Iran ayaa ku dhawaaqay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen saldhigyo militari oo ku yaalla Erbil, Urdun, Baxrayn iyo Ciraaq.

Dhanka kale, nidaamka difaaca cirka ee Kuwait ayaa heegan la geliyay, iyadoo laga cabsi qabo weerarro ka iman kara Iran.

Ugu yaraan shan qof oo ka qaybgalayay xaflad aroos ayaa lagu dilay, 60 kalena waa lagu dhaawacay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay tuulada Kohistas ee gobolka Suuriya habeenkii Arbacada.

Sida ay sheegtay warbaahinta Iran, ilmo ayaa ka mid ahaa dadka dhintay, halka inta badan dadka dhaawacmay ay ahaayeen haween iyo carruur ka soo jeeday tuulada Dahistas.