Dawlada Azerbaijan ayaa ku fashilantay dadaallo ay ku doonaysay inay ku dejiso xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Israa’iil, ka dib markii ay muddo toddobaadyo ah dhex-dhexaadin ka dhex waday labada dhinac, balse aan wax natiijo ah laga gaarin.
Ujeeddada dadaalladan ayaa ahayd in laga hortago in xiisadda labada dhinac isku beddesho iska horimaad militari oo gudaha Suuriya ka dhaca.
Sidoo kale, waxaa guuldarreystay dadaalladii lagu doonayay in Israa’iil iyo Suuriya ay ku gaaraan heshiis amni,markii Israa’iil ay ku adkaysatay inaysan ka bixi doonin dhulka ay ka haysato Suuriya, gaar ahaan aagga ka caagan ciidamada, sida uu maanta weriyay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz.
