Saturday, September 5, 2026

Muqdisho Oo laga Daahfuray Siyaasad Lagu ilaalinayo Badqabka Rayidka Xilliga Howlgalada.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfurtay Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka xilliyada hawlgallada militari iyo colaadaha hubaysan.

Siyaasaddan waxaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyadoo munaasabadda ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday hay’ado iyo dhinacyo ay khuseyso siyaasadda cusub.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay waajib qaran iyo mid dastuuri ah, isla markaana ay muhiim u tahay dhismaha ciidan qaran oo leh anshax, xirfad iyo masuuliyad.

Wuxuu xusay in siyaasadda cusub ay xoogga saarayso dhowrista nolosha, karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed inta ay socdaan hawlgallada ciidan iyo colaadaha hubaysan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in daahfurka siyaasaddan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada, ku-dhaqanka sharciga iyo ilaalinta shacabka xilliyada ay ciidamada dowladda ka fulinayaan dalka hawlgallada amni.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda federaalku ay ka go’an tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah iyo xuquuqdooda, iyadoo ciidamada qaranka lagu wargelinayo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta shacabka.