Waxaa sii kordhaya dhaliilaha loo jeedinayo siyaasadda Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qaybo ka mid ah bulshada ay su’aalo ka keenayaan heerka iyo jihada uu marayo iskaashiga labada dal.
Dadka dhaliilaya xiriirka Muqdisho iyo Ankara ayaa Turkiga ku eedeynaya inuu si isa soo taraysa ugu dhex milmayo arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya, isla markaana uu taageero gaar ah siinayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhaliilahan ayaa kusoo beegmaya xilli Turkigu uu Soomaaliya ka yahay mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee dhanka amniga, tababarka ciidamada, dhismaha hay’adaha dowladda iyo maalgashiga. Ankara ayaa sidoo kale door muuqda ku leh tababarka iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliyeed.
Si kastaba, taageerayaasha xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku doodaya in iskaashiga labada dal uusan ku koobnayn dowladda hadda talada haysa, balse uu yahay xiriir istiraatiiji ah oo soo jiray muddo dheer, isla markaana ay dowlado kala duwan oo Soomaaliyeed ka faa’iideysteen.
Dhanka kale, waxaa xusid mudan in siyaasiyiinta maanta dhaliilaya doorka Turkiga aysan ahayn kuwa keliya ee hore u su’aal geliyay siyaasadda Ankara. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan kooxdiisa siyaasadeed ayaa iyaguna xilliyo hore dhaliilo u jeediyay xiriirka dhow ee Turkiga iyo dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan sida ay tahay in loo fahmo doorka Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo dhinac laga eegayo iskaashiga amni, dhaqaale iyo hay’adeed, halka dhinaca kale ay jiraan walaacyo ku saabsan madax-bannaanida go’aan qaadashada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Turkiga ayaa, sida quwadaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamka, Soomaaliya ka leh dano istiraatiiji ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo juqraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika. Su’aasha ugu weyn ee doodda taagan ayaa ah halka uu ku egyahay iskaashi istiraatiiji ah, halka ay ka bilaaban karto saameyn siyaasadeed oo gudaha ah.
Dhanka ciidanka, tababarrada ay Soomaaliya ka hesho Turkiga waxaa loogu talagalay dhismaha awoodda ciidamada dowladda. Ciidamada la tababarana ugu dambeyn waxay hoos yimaadaan dowladda Soomaaliyeed ee xilligaas talada haysa, sidaas darteed sida awooddaas iyo khibraddaas loo adeegsado waxay ku xiran tahay siyaasadda iyo go’aannada dowladda Soomaaliya.
Si kastaba, dhaliilaha sii kordhaya waxay muujinayaan in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu noqday arrin si weyn uga dhex muuqata doodda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka ay soo dhowaanayaan doorashooyin iyo xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan.
